SIDEE LOO MAAREEYAA MADAX XANUUNKA?

SIDEE LOO MAAREEYAA MADAX XANUUNKA?

DAAWEEYNTA MADAX XANUUNKA (Treatment)

Hababka ugu badan ee loo maareeyo madax xanuunku waa in qofku nasasho helo iyo in uu qaato dawooyin xanuun baabi’ye ah.
Dawooyinka xanuun baabi’intu waa kuwo si fudud lagu heli karo. Dawooyinka ay lagama maar maanka tahay in dhakhatirtu ku qoraan waxana ka mid ah; tricyclic
antidepressants, serotonin receptor agonists, anti epileptic drugs, and beta-blockers) .
Waxana mar kasta muhiim ah in qofku raaco habka iyo talada dhakhtarka sababto ah isticmaalka xad dhaafka ah waxay sababi karaan in qofku qabatimo ama xanuunku markasta so noqdo.
Xaalada maxad xanuunku halista yahay waxaa lagama maarmaan ah in qofka cusbitaal la dhigo si loo mareeyo.

Dawaynta maxad xanuunka waxaa sidoo kale loo isticmaama habka (Acupuncture) oo ah hab la isticmaalo irbado sii loo xakameeyo xanuunka.
Sidoo kale waxa jira habab kale oo loo isticmaalo maraynta xanuunkan lakin waxa ugu muhiimsan inaad markasta oo xaaladani kusoo wajahdo inaad goobaha caafimaadka booqatid.
Hababkan waxaa ka mid ah:
*irbadaynta (acupuncture)
*cognitive behavior therapy
*herbal and nutritional health products
*hypnosis
*meditation

Ma jirto Cilmi baadhis cadaynaysa in dhamaan hababkani si sax u dhaqaynayaan.
Mararka qaar, madax xanuunku waxa mararka qaar sababa nafaqo daro khaas ahaan macdanta magnesium iyo qaybo ka mid ah B vitamins .
Nafaqo daradu waxay sidoo kale noqon kartaa qaadasho la’aan cunta qayb ka mid ah, taas oo sabab u noqoto (malabsorption),ama xaalad cafimaad oo kale.
Isku daweeynta Guriga (Home remedies)

Waxa jira habab fudud oo aad samayn kartid adigoo gurigaaga jooga si aad u maaraysid madax xanuunka, waxaana ka mid ah:
* in aad madaxa meesha ku xanuunaysa aad ku qabatid maro aad kululay say ama aad qaboojisay, lakin waa inaad ka taxadartaa qabowga ama kulalka saa’idka ah.
* Intaad iska ilaalisid walwalka iyo walbahaarka badan sida ugu macquulsan iyo inaad xaladahan ku wajahdid jawi degan.
* inaad cuntid cuntooyin isu dheeli tiran oo waqtiyeysan. *inaad markasta ka taxadartid sidii ay sonkorta iyo caadaadiska dhiigu u ahaan lahaayeen kuwa dhexdhexaad ah.
* inaad ku qobaysatid biyo diiran adigoo iska ilaalinaya inay aad u kulul yihiin biyuhu.
*inaad markasta si joogta ah u jimocsatid sidoo kalena aad heshid nasasho kugu filan.

@Siciid Faralaab.
Drsaed11@gmail.com

Leave a Reply