saaxiibtinimada iyo marxaladaheeda.

1- saaxiibtnimada ciyaalka-

Waa marxalad qof kasta soo maro, wxa jira saaxibo badan oo an yaraanteni asxaab ahayn, kowasoo laga yaabo in aan qaarkood weli asxaab nahay. Waxyabaha ugu badan ee kena inan weyno saaxibtinimadan waxaa ka mid ah waqtiga oo ina kala fogaaneya iyo inan noqono dad kolkay weynadan kala aragti noqda.
Waqti kasta iyo marxalad kasta qofku wuxu le yahay saaxiib laakiin waxa dadka ugu nasiib badan qof leh saaxiib ay ilaa yaraantisi asxaab ahaayen.

Saaxiibtinimada ciyaalku waxa badanaa sal u ah wada ciyaarida, qabashada waxyaabo ay ku mededashan iyo wadagida waxa ay marka gacanta ku hayaan.

Ciyaalka badankoodu waxay saxibtinmda ku qeexan hab sheyeed sida wax wadagida,
Waxayna wadagan wax uun oo ay aminaninay saaxibo ku ahaadan, waxa keli ee isu keena ama ay isugu hiilayan oo ay saaxibo ku yihiin waa ciyaarta iyo madadaalada, kuma wada socdaan magac ama hayb kuma wada socdan isfahan dabeecadeed, dadku wa u siman yihiin ma yaqaanan takoorka iyo cunsuriya, waxayna jacayl u muujiyaan naflayda idilkeed, kolka ay koraan oo garaad fican yeshan waxay badan koodu noqdan kuwa ka taxadara iskana ilaaliya kuwa kale, sidoo kale waxay awood u yeshaan inay kala xushaan saaxiibdod oo ay qaar ka mid ah aad isugu soo dhowadaan qaarna ay dushaa un saaxiib ka ahaadan, iyagoo waqtigooda badan kisa la qadanaya kuwa ay u arkan sxbdoda khaaska ah…

Waxaa lagama marmaan ah in walidiintu ay ka taxadaro qofka ilmihisu sxibka la yahay, sikasta oo walidku ugu dedaalo tarbiyada ilmihisa waxaa si fudud u xumyn kara saxibkisa xun.

Waxay sido marksta oo Ay sii koranba la kulman in saxibdod so yaradan sabatuna waxa weye in ay nodan kuwo kala aragti ah, kuwo kala ujodo ah.
In ilmaha yar samaysto ama uu leyahay saxib wanagsan waxay ka cawisa inu bulshada si fican u dhex galo si wanagsana ula dhaqmo kalin fican ka galo bulshada uu la nool yhy.
Dirasad la sameyey iyo warbixin ay soo saren macaliminta iyo hoyoyinku, waxay sheegen in 75% ciyaalka xadanada (preschool children) ku ay lee yihin ugu yaran hal saxib, iyado 55% ay leyihin saxibo wanagsan oo dhab ah. 15% ka mid ah ciyal kuna waxay noqdan kuwo bilaa sxp ah iyagu waqti dheer ahaada kuwo keli socod ah.
Faaidada ay ledahay saxibtnmda ciyaalka waxa ka mida inay bartaan habka wax loo wada qabto, dhib kasta oo soo wajahan si wdajir ah loo xaliyo, jidh ahaan iyo maskax ahaana ay u koraan.
Taloyinka waalidku ay siyaan ilmohooda wxay ka cawisa inu samysto sxp.
Eileen Kennedy-Moore wuxu qeexay 3 shay oo u shegay inay fure u yihin in ciyaalku saxibo samaystan:
(1) fur furnanta (2) sinaanshaha iyo (3) wadaagida ciyaaraha. waalidku wuxu sidoo kale ka caawiya ilmihiisa inay fahaman dhaqanka iyo hab nololeedka bulshada tasoo aynay iyagu iskood u baran karayn. Cilmi baadhis ay sameyeen Robert Selman iyo Kennedy-Moore waxay shegen marxalda koriinka (developmental stages) ee saaxibtmda ciyaalku inay siyaadiso awoododa, isdhex galka iyo xalinta khilaafka, is danaynta iyo wax wadaagoda”…..

Lasoco qaybta xigta.
@Siciid Axmed.

Leave a Reply