Muhiimada caafimaad ee Canbaha (boqorka khudrada)

Muhiimada caafimaad ee Canbaha (boqorka khudrada)

Marka laga yumaado macaanka sa’idka ah ee canbuhu ku khaaska u leeyahay, maxaad ka ogtahay faaidooyinkiisa caafimaad?!

hadaba hoos ka akhriso sida boqorka qudrada loogu magac daray canbaha iyo faaidooyinka caafimaad ee laga helo canbaha

1-Wuxuu ka hortagaa kanserka

Cilmibaaris badan oo la sameeyay ayaa muujiyay in canbaha ay ku jirto madooyinka loo yaqaan (antioxidants) kuwaas oo ka hortaga kanserka noocyadiis kala duwan  sida kanserka caloosha kan naaska iyo kuwo kaloo badan.

2-Wuxuu yareeyaa dufanka cholesterolka

Maadooyinka kala ah (fiber, pectin and vitamin C) ee laga helo canbaha  waxay ka wayb qaataan hoos u dhimida dufanka nooca xun (cholesterol) ee dhiiga qul-qulaysa

3- canbuhu Wuxuu u fiicanyahay indhaha

Hal koob oo canbe ah wuxuu u dhigmaa 25% vitamin A ee malintiiba kaas oo u fiican araga indhaha iyo kahortaga indha-habeenaadka iyo indhaha qalaylka

4-Wuxuu qurxiyaa maqaarka jirka

Canbaha oo la cabo/cuno ama loo isticmaalo qasil ahaan wuxuu nadiifiyaa maqaarka sare ee jirka islamarkaana ka hortagaa finanka

5-Wuxuu u ficaanyahay cudurka sokorowga

Qofka qaba macaanta ama sokorowga canbuhu wuxuu ka caawiyaa dheelitirka xadiga sokorta ee dhiiga, sidoo kalena xoojiyaa difaaca guud ee jirka kaas oo ka hortagaya xanuunada ka yimaada macaanta

Leave a Reply