muhiimada biyaha Q 1aad

muhiimada biyaha Q 1aad

ma ogtahay in jirkaaga 60% boqolkiiba ay ka koobantahay biyo, taas oo jirkaagu u isticmaalo shaqooyinka kala duwan mase ogtahay in aduunku ka koobanyahay 70% biyo ah lakiin kaliy 30ka soo haray ey tahay beri,
hadaba biyuhu waa waxa ugu badan oo aduunka dhex yaal taas oo noolaha ku dhaqan dunida uunan ka maarmin!.
Hadaba maxay ka koobanyihiin biyuhu?
biyuhu waxay ka koobanyihiin curiyaasha keemiko ee kala ah hydrogen iyo oxygen kuwaas oo u jiri kara qaab hawo ahaaneed iyo qaab dareere labadaba, sidoo kale buyuhu waa dhadhan la’an iyo u’r la’an taas oo ka dhigaysa mid khaas ah.
Noocyada biyaha
halkaan hoose waxaan kaga hadli doona noocyada biyaha iyada oo loo eegayo dhadhanka iyo halka laga helo
Biyaha oogada dhulka: noocan biyaha ahi waxaa laga helaa sakaxada sare ee dhulka beriga ah waxaana kamida webiyaasha, biyaha ilaha iyo kuwa ceelasha, hadaba noocaani waa biyaha la cabi karo ahna kuwo kuwo haboon isticmaalka qofka
biyaha dhanaan/qaraar: kuwaani waa biyaha milixda ah islamarkaana aan ku haboonayn cabitaanka iyo isticmaalka qofka, hadaba noocaan biyaha ah waxaa kamida kuwa bada, badweynta iwm


Muhiimada guud ee biyaha


1)Muhiimada milanlka: biyuhu waxay ku milmaan inta badan walxaha jira taasna waxaa u sababa curiyaasha ay ka koobanyihiin kuwaas oo an kor kagasoo hadalnay, hadaba in biyuhu milaan/ ku milmaan wax kasta waxay noo sahashaa nolol maalmeedkeena la’anteedna shaqooyin badan ma suuragasheen!
sidaa darteen biyaha waxaa lagu naaneysa (universal solvent) taas oo micnaheedu yahay mile guud
2) Waa qayb ka mida nolosha: guug ahaan dunidu waxay ka kooban tahay beri iyo bad ayna kala qaybiyaan biyuhu, taas oo jiritaankeeda uu noolaha (dadku aya ka mid yihiin) u leeyahay muhiimada aad u weyn sida inay biyaha laga helo tamar, in quut laga helo, in lagu asturo qashinka iyo inay sahlaan isu socodka safarka.
3) Isbed-bedelka qaabab kala duwan: qaababka kala duwan ee biyuhu u jiri karaan waxaa kamida hawo ahaan (sida daruurta roobka, ciirada iwm), dareere ahaan iyo adke ahaan (sida barafka) waxa sidaa ka dhigayana waa curiyaasha eey ka koobanyihiin ee aan kor kagasoo hadalnay, dhamaan qaababka aan kasoo hadalnay muhiimad aan yarayn ayay u leeyihiin nolosha.
4) su-dheeli tirka cimilada: sidaan ognahay cirifyada jirka waxaa fadhiya baraf aad u waaweyn kaas oo la’antiis la suurayahay aduunka oo bilaa biyo ah taas oo ay ka dhalan lahayd inaan sakxada dunida nolol ka jirteen, hadaba si kooban muhiimadaani waxay timaameysa in biyuhu qaboojiyaan dunida, kadibna uumi baxaan kadibna roob ahaan usoo da’an taasoo u eeg qaab sil-silad oo kale aana dhamaanayn.
5) muhiimada nolo maalmeedka: waxaan wada ognahay in biyuhu eey leeyihiin muhiimad aan lasoo koobi kaarin sida in loo isticmaalo cabitaan, isticmaalka beeraha, in wax lagu dhaqdo, in loo isticmaalo keemiko ahaan iwm

hadaba waxaan rajaynayaa in qormadaani ku xiiso galisay wixii talo iyo tusaale ah hoos ayaad noogu reebi kartaa, qaybta xigta hadii alle yiraahdo waxaan kaga hadli doonaa muhiimda biyaha caafimaadka u leeyihiin lasocod wanaagsan
share dheh hadaad ka heshay walaal/walalo mahasanid

W/Q: Abdirahman jama

Leave a Reply