MIDAB TAKORKA IYO QUUDH SIGA.

1- Midab Takoorka iyo Quudhsiga.
BismiLlaah.

Waxaan qormadi hore kaga hadal nay dhaqamada guracan ee umadeena aafeyey, waxaan qormadan ku lafa guraynaa mid ka mida caadooyinka aduunka ugu liita oo ah takoorka iyo quudhsigaga.

A-Midab Takoor waa yasid lagu xaqirayo qof kale
midabkiisa ama muuqaalkiisa. Waa hayb sooc iyo liiditaan lagula kacayo dad, iyadoo loo anaynayo qofka muqaalkisa ama midabkisa iyo in loo hayb sooco nasabka qofka.

Takoorku waa fogeyn, karantiimayn, dullayn, yasid iyo xaqirid dad ama qof lagu xad gudbo dadnimadiisai iyo karaamadiisa, iyadoo lagu takoorayo caafimaadkiisa ama isirkiisa (qoladiisa). Takoorku waa dulayn iyo
karaamo-dil qofka cirdigiisii iyo sharaftiisii hoos loo dhigo, lagana duudsiyo xuquuqdii uu bulshada ku dhex lahaa, laga fogeynayo
bulshada inteeda kale xag dhaqan, dhaqaale, feker, siyaasadeed iyo xag kartiyeedba.

Takoorku waa laba mid: caafimaad-takoor iyo
isir-takoor.

Caafimaad takoorku wuxuu dhacaa marka qof uu ku dhaco cudur dilaa ah oo la kala qaado, dabadeedna qofkaa la karantiimeeyo, lagana fogaado oo xidhiidh loo jaro; aan wax la la cunin, aan meel lala seexan, makhaayad lala fadhiisan, weel wax lagula cunin, dharka aan lala isticmaalin iwm.

Isir-takoorkuse waa marka bulsho isirkeeda la takooro, laga faquuqo; aan laga guursan, loona diido inay bulshada inteeda kale ka
guursadaan, loona geysto nasab cay, yasid, liidid, maagid, hanjabaad, maskax-dil iyo jidh-dil intaba. Isir-takoorka (haybsooc) waxa aad looga adeegsan jirey dhulalka carabeed, ilaa haddana waxa si darran looga isticmaalaa dhulalka soomaalida iyo dalalka tolnimada ku dhisan.

B-Quudhsigu waa cay, yasid, liidid, maagid, hanjabaad iyo bahdil. Had iyo jeerle waxa la quudhsadaa ama la soocaa dadka dacdarada ildaran.
Quudhsigu waa saddex nooc: midab-sooc, muuq-sooc, caafimaad-sooc. Waa nooc gooni ah oo laga biyo diidayo abbuurta Rabbaaniga ah, isla markaan bulshada inteeda badan muuqaalka, midabka iyo caafimaadka loogu jaangoynayo, ciddii ka midab duwan, ama ka muuqaal geddisan, amaba
caafimaadkoodu aanu taam ahayn lagu yasayo, laguna quudhsanayo.

1-Midab-sooc:
soomaalidu dadka ay midab-soocdo waxa ka
mid ah qofka jidhkiisu madaw yahay waxa ay aaminsan yihiin in “Doqonta iyo Habeenku Madaw yahay”
Dhammanteen waxan jecel nahay midabka Madaw, gaadhi Madaw, dhar Madaw, tell Madaw, kabo Madaw iyo IWM.
Hadaba waxa is weydiin mudan sabata aynu u neced nahay Jidhka Madaw.

*Nacaybkaas wuxu hableheeni midabka aduunka ugu qurux badan laha Maarin Dhalaal xiga, inay jidhkoodi badalaan; ¤Waxaynu ku kaliftay inay doortan kimikal sababya inay u nugladaan dhammaan cudurada sida cancerka. Dhalaal yar ka dib dawooyin kasi waxay isu bedelayaan inay inanti ifaysay isu bedesho qof daamanki dheeradeen oo meel kasta finan iyo furuuruc kaso baxay,
¤Waxaynu ku kalifaty inay cunta karintii ku adkaato oo ay kulaylki kijada xamili wayaan.
¤Waxaynu u hogaaminay Shaydaan oo balan ku qaaday in uu dadka ku kalifi doono inay abuurta illahay bedelaan.
¤Waxaynu ku kalifnay inay dembi iyo cuquubo ina wada saamaysa ay ku dhacaan.
2- Muuq-sooc:
soomaalidu waxay muuq-soocdaa dadka timo-adagta ah “Jareerta” . Waxa ay ku
quudhsatad ama ku yasan abuurtooda (timahooda adag iyo daloolka sankooda weyn) sidaasi awgeed ayey soomaalidu xuquuqdii dadkaasi ummadda dhexdeeda ku lahaayeen ugu duudsideen, uguna tumteen, isla markaana
ay bulshada gooni uga faquuqeen. Waxa xusid
mudan in reeraha difaaca adag leh, (kuwa isir ahaan iyo dhaqan ahaanba soomaalinimada isu qirsan) inay ku jiraan kuwo timo adag oo san dalool weyn leh balse xijaabka qaraabanimo iyo kan qabyaaladeed ayaa kaga gudban inay isir la noqdaan dadka la muuq-
sooco. Dadkan waxay ka sareen xayn daabki Soomalinimada, waxay ay si aan gabasho lahayn ugu tacadiyaan dadkan waxay ay dad kani bulshada kala kulmaan cay iyo maag joogto ah iyadoo wax kasta oo xun lagu tilmaamo.
3- Caafimaad-sooc:
waa xaqiraad, iin-sheeg, naaqusid, laxaad-quudhsi iwm. Caafimaad-soocu waxa lagula kacaa dadka laxaadka daran, kuwa iinta Rabbaamiga ah leh; waxa
loogu yeedhaa magacyo ka dhan ah muuqaalkooda, sida dhegaweyne, gacma-
dheere, food-buur, indhoweyne, gaabani, buurane (gaabow, kuusow, goobbe)iwm.
Waa dhaqan-xumo bulshadeenna raggaadsatay, in badanna soo taxnayd. Waa turxaan la qarin kari lahaa, balse laga doorbiday in la sheeg sheego. Waa cay la joogteeyey iyo aflagaaddo la sharciyeeyey. Waxaad maqlaysaa magacyo
loogu yeedhayo kuwa lugaha iinta ku leh sida: laangadhe, cuguf, jeeri, luglow, curyaan, dalboole, cagoole iyo jiis iwm. Kuwa gacmaha wax ka qaba; gacanlow, faroole, gacmadheere; kuwa indhaha wax ka qaba; indhoole, cawar, weershe iyo ildab; kuwa afka wax ka qaba;
carablow, gaagaale, hag hagaale, shigshigaaye, aflow, afqalooc iwm. Kuwo
meelo kale wax ka qaba, sida dhegoole, indhoole iyo maalaayiin magac oo foolxumo, cay, iin iyo aflagaaddo huwan oo la joogteeyey dabadeedna sidaa ku qabatimay.

La soco qormada xigta.
W/Q: Suldaanka Culimada iyo mutacalimiinta.

Leave a Reply