MADAX XANUUNKA- Waxa sababa, qaybihiisa, baadhitanka iyo Qaabka loo maareyo. (Q1aad)

MADAX XANUUNKA- Waxa sababa, qaybihiisa, baadhitanka iyo Qaabka loo maareyo. (Q1aad)

MADAX XANUUNKA (Headache).
BismiLlaah.

Madax xanuunku waa mid ka mid ah xaaladaha caafimaad ee ugu badan oo ay dadku ka cawdaan; waa xaalad dad bani la kulmaan noloshooda, waa xaalad saamaysa ruuxkasta iyadoon ku xidhnayn da’da, qowmiyada iyo jinsiga.
Haayada caafimaadka aduunka (WHO) waxay soo sartay in kala bad dad aduunka ku nooli ay la darsaan madax xanuunka sanadka kasta.
Madax xanuunku wuxuu noqon karaa calaamad la xidhiidha welwel, walaac ama walbahaar (psychological) ama waxay noqon kartaa mid ay sababeen dhibaato caafimaad (medical disorder), Sida dhan-jafka (migraine) ama cadaadiska jiiga oo kor u kaca (high blood pressure), ama cabsi aan sabab lahayn (anxiety), ama walbahaar (depression). Madax xanuunku wuxuu horseedi karaa xaalad caafimad daro, tusaale ahaan dadka qaba dhan-jafka waqti dheer (chronic migraine headache) waxaa la dersa inay ku adkaato inay si joogta ah u tagaan goobaha shaqada ama waxbarashada

¤Maxaa Sababa (Causes)

Madax xanuunku waa cabasho guud oo markasta dhici kara. Wuxuu ku dhici karaa qayb kasta oo madaxa ka mid ah, madaxa oo dhan, labada dhinac ama hal meel oo madaxa kamid ah. Waxaana jira siyaabo badan oo kala duwan oo loo qeexo madax xanuunka.
Ururka la yiraahdo (International Headache Society (IHS) wuxuu madax xanuunka u kala saaray laba waaxood oo kala ah; Heerka kowaad (primary) oo ah marka aanay sababin xaalad kale iyo heerka labaad (secondary) marka ay jiraan sabab kale oo caafimad daro oo sabab u noqday madax xanuunka.*Heerka koowad (Primary headaches).

Heerka kowaad ee madax xanuunku waa mid iskii u taagan oo anay jirin dhibaato kale, waxa sababa nashaso la’aan ama shaqo xad-dhaaf ah oo xanuujisa halbolayaasha dhiiga sida, muruqyada iyo neerfeyaasha qulunta iyo madaxa. Waxa kale oo sababi kara isbedel kiimiked oo ka dhaca maskaxda (chemical activity).
Madax xanuunka heerka kowaad ee ugu badan waxa ka mid ah Dhan-jafka (migraines), madax xanuunka (cluster) iyo kan ku yimaada (tension).

*Heerka labaad (Secondary headache).

Madax xanuunka heerka labaad waa xanuun ka yimi xaalad kale oo carisay neerfayaasha xanuun daremaha ah ee madax.
Hadaan si kale u dhigni waa astaan ay sababtay xaalad caafimad daro oo qofka lasoo derestay,aa ay kamid yihiin sida: cabida khamriga oo xad dhaaf ah (alcohol-induced hangover), buro maskexeed (brain tumor), dhiig xinjireeye (blood clots), dhiig maskaxda ku furma (stroke), ku sumoobid karbon (carbon monoxide poisoning), fuuq-bax (dehydration), ilko xanuun
(teethache), hargabka (influenza), in si xad-dhaaf ah aad u isticmasho dawooyinka xanuunka (overuse of pain medication), panic attack IWM.Maadama oo uu madax xanuunku noqon karo astaan caafid daro oo halis ah sida (Stroke or high blood pressure iwm) waxaa lagama maar maan ah in qofku booqdo xarumaha caafidka ee ugu dhow hadii madax xanuunku noqdo mid kasii daraya ama aad u daran oo joogto ama soo noqnoqod leh. Tusaale ahaan hadii madax xanuunku noqdo mid aad u daran oo ka duwan sidii hore ama uu sii xumaanayo marba marka kasii dambaysa ama uu kasoo rayn waayo kadib markaad qadatid dawooyin ama ay weheliyaan calaamado kale sida wareer, qandho, lugunta oo ku kaganta iwm waa inad si deg deg ah ula xidhiidhaa dhakhtarkaaga.

Fadlan la wadaag asxaabtaada si ay uga faa’iidaystaan.

LaSoco qaybta xigta.
(Qaybaha madax xanuunka).
@Siciid Faralaab.
Drsaed11@gmail.com

Leave a Reply