Daawada iyo xalka hurda yarida!

Daawada iyo xalka hurda yarida!

Daawada iyo la tacaalka huro yarida

Daawada hurdo yarida waxaa u baahan kaliya qofka aan seexan karin sababo nafsaani ah iyo sababo jir ahaaneed, intaa markii laga yimaado guud ahaan daawada hurdo yarida waxaa loo kala qaadaa labo qaybood oo kala ah qaybta la tacaalka hurda yarida ku salaysan dhaqan celinta qofka iyo qaybta isticmaalka daawooyinka,
fiiro gaar ah: waa inaad booqataa dhakhtarka ku takhasusay cilmi-nafsiga si aad u hesho daawayn nooca kugu haboon

Qaybta dhaqan celinta: qofka hurda yaridu hayso waxaa u banaan dhowr wado kuwaas oo ku dib ugu heli karo hurdadiisa

  1. wadada nasashada: nasasho fiican oo aad hesho waxay weyn ka qaadataa in murqaha iyo neerfayaasha jirkaagu ay degaan isla markaana jirkaagu uu qaboobo/dego kadibna aad hurdo fiican qaadato
  2. wadada maamulida: qaybtaan waxaa kamida maamulida shaqooyinka iyo xarakaadkaaga kahor waqtiga sariirta tusaale inaad iska ilaaliso shaqooyinka adag kahor waqtiga sariirta sida jimicsiga, sida inaadan isticmaalin cabitaanda hurdada yareeya (sida qaxwada)

Qaybta isticmaalka dawooyinka: markii aad isku daydo wadooyinka kor ku xusan islamarkaan aad waxba iska dareemi weydo wax isbedel ah waxaad isticmaali kartaa dawooyinka hurdada kuwaas oo qaarkood lagu qaadan karo keliya inuu dhakhtar kuu qoray

Hasayeeshe dhibaatooyinka daawooyinkaan ayaa ah inaad mararka qaar aad ku noqonaysid mid la qabsaday dawooyinkaan oo aan laantood seexan karin, taas si aad uga hor tagtid waa inaad iska yaraysaa dawooyinkaan mar kasta ooy suuragal tahy

Maaraynta guriga ee hurda yarida

Arinta fiican ee aan kuu sheegayo ayaa ah in inta badan saameeynta iyo dhibaatooyinka hurda yarida ay tahay mid lasoo celin karo ama si fudud lagu maareeyn karo, halkaan waxaan kuugu hayaa talooyin hadii aad qaado ay hurdadaadi ay kuugusoo laabanayso sida:-

  1. Sariirta hurdada tag markii aad daal dareentid
  2. Isku day inaad xilii hore seexatid sidoo kalena xili hore soo kacdid si joogto ah maalin kasta
  3. Ka hortag cuntada badan 2saac ilaa 3saac kahor waqtiga hurdada
  4. ka yeelo qolkaaga hurdada mid jabaq yar kana ilaali buuqa iyo qaylada
  5. Iska dami qalabka korontada sida TV-ga iyo nalalka ee gurigaaga intaadan seexan
  6. Samay jimicsi joogto ah xiliga maalintii

Dhibaatooyinka laga dhaxlo hurda yarida

Hurda yaridu waxay daciifisaa awooda maskaxda ee kala-hagida iyo maamulida sidoo waxay yaraysaa awooda qofka ee dhinacyada waxbarashada iyo xasuusta.
markaad soo jeedid habeenkii oo dhan jirkaagu ma siideynayo dheecaandii loogu baahnaa koritaanka jirka, kuwii apetite-ka, kuwii kontroolka jirka iyo kuwo kaloo badan
cilmibaaris la sameeyay ayaa sheegtay in hurda yaridu ay in badan ka qayb qaadato qofka oo miisaankiisu kor u koco gaar ahaan ciyaalka iyo dhalinyarta taas oo ka dhalato in ay badato khatarka qofka buurani ugu xanuunada sida dhiig-karka, xanuunka sokorowga, xanuunada wadnahal, qalalka, iyo cayilka saaidka ah
hurda yaridu sidoo kale waxay saamayn weyn ku leedahay isbedel ku yimaada dabeecada qofka, dhaqankiisa iyo sida uu u fekero guud ahaan, tusaale sida qofka oo niyad-jab joogta ah dareema qofka oo dulqaadku ku yaraado, qofka oo nafsadiisa kontrooli waaya, qofka oo tabar daro joogta ah dareema kuwaas oo dhamaan aakhirka ku biya shubta xaanuunada maskaxda.

W/Q: Abdirahman jama

sii akhri

Leave a Reply