TALASIIN/LATALIN (COUNSELLING)- Qaybta kowaad.

Tala siin/latalin (counselling)
Bismi Llaah..

Taban taabo lays cawiya wa tu wajib ahe,Nasiixada/latalin waxay ka mid tahy wax yabaha dadka muslimka ah isku leyhn, islamku wuxu ina faraya inan xalad kasta oo adag o inala so gudbonata ka tashano.
“Cid wax ku siiya in badan baad aragta lkn cid kula talisa in yar”.
Taladaan la ruugin wa lagu rafadaye,latalintu wa xidhidh khaas ah oo ku dhisan qanac sani, qadarin iyo wax wada gorfayn ka dhexeysa lataliyaha iyo lalataliyaha.Wa daaha ka rogid,cadayn iyo qeexid dhibato qof haysata iyo sidii u ugu heli laha xal uu u madax banaan yhay una qadan lahaa go’an u ku qanac san yahay.
Waa hab aad ku baranysid siyabo kala duwan oo dhibata lo xaliyo,wxan ba oran karna wa wayo aragnimo aad heshay iyo inad naftada baratay, fahantayna sababta xaldani kgu dhacday ama ay kugu so noq noqtay tiroba dhowr jeer.Taloyinka wanagsan waxad kaga gudbaysa caqabado badan, xanun iyo xaalad adag taso ku horsedi karta farxad iyo nolol deganan leh.
Latalintu wa qayb ka mid ah cilmiyada la barto.
Lataliyuhu wa qof garasho dheer iyo waaya aragnimo leh, wuxu noqon kara qof cilmigan ku takhasusay ama waaya arag dhamaystiran, nin dhararo so jiray,dhulka melo badan cagahisa so dhigay.
Lataliyaha wanagsani wxu si kal iyo laab ah u dhegaysnaya dhibatada iyo xajada kugu guracantay, isago dhinacyo badan ka egaya,wuxu kula gorfaynaya xaajadas,wuxu ku sinaya tusaloyin badan,wxu wax ka tusaya meel aadan is lahayn xal ba ku jira.

Lasoco qaybta xigta..
w/q- Siciid Faralaab..

Leave a Reply