JEDWALKA TALAALKA-Somalia.

JEDWALKA TALAALKA-Somalia.

Jidwalka tallaalka Somalia.

Tallaal kasta waxa uu leeyahay waqti ku astaysan bixintiisa.

Si looga hortago khalaad ama khalkhal ku yimaada tallaalka haayada caafimaadka aduunka ee WHO waxa ay soo saartay jidwalka tallaalka.

1- BCG- waa Tallaalka Qaaxada (TB).

■Tirada doseka: waxa uu leeyahay hal dose, waxa halki dhalo ku jira 20 dose.
■Dosekisa: waa 0.05 ml.
■Meesha laga siyo: waxa ilmaha laga siyaa maqaarka (interdermal), gacanta bidix.
■Kaydkiisa: tallaalkan waxa ka reeban kulka iyo iftiinka, waa tallaal la isku qaso, waxa uu kayka ku jiri karaa ilaa 6 saacadood marka la qaso kadib, heer kulka lagu kaydiyaa waa 2-4c.
■Waqtiga la siiyo: waxa la siyaa caruurta kolka ay dhashaan ( at birth).

★Meelaha ka fog xarumaha caafimaadka ama ay ku adag tahay helista adeeg caafimaad; waxa tallaalka la siin karaa caruurta da’doodu ka hoosayso sanadka.

2- OPV- Tallaalka dabaysha (Polio).

■Tirada doseka: waxa uu leeyahay afar dose, waxa halki dhalo ku jira 20 dose.
■Dosekisa: waa laba dhibcood.
■Meesha laga siyo: waxa ilmaha laga siyaa afka.
■Kaydkisa: heer kulka lagu kaydiyaa waa 2-4c.
■Waqtiga la siiyo: waxa la siyaa caruurta kolka ay dhashaan ilaa 15 cisho (OPV-0), dosaska kale waxa loo bixiya sidan:
* Isbuuca lixaad ama kolka hooyadu afartan baxdo (OPV-1).
* isbuuca tobnaad (OPV-2).
* isbuuca afar iyo tobnaad (OPV-3).

★Meelaha ka fog xarumaha caafimaadka ama ay ku adag tahay helista adeeg caafimaad; waxa tallaalka la siin karaa caruurta da’doodu ka hoosayso shan sano.

3- PENTA- Tallaalka shanta.

■Tirada dosaska: waxa uu leeyahay saddex dose, halki dhalo waxa ku jira 10 dose.
■Dosekisa: waa 0.5ml.
■Meesha laga siyo: waxa ilmaha laga siyaa murugq (intramuscular), lugta (outer mid thigh).
■Kaydkiisa: heer kulka lagu kaydiyaa waa 2-4c.
■Waqtiga la bixiyo: waxaa lala bixiyaa tallaalka dabaysha oo ay isku jidwal yihiin.
* Isbuuca lixaad ama kolka hooyadu afartan baxdo (PENTA-1).
* isbuuca tobnaad (PENTA-2).
* isbuuca afar iyo tobnaad (PENTA-3) waxaana lala bixiyaa tallaalka dabaysha ee irbada ah (IPV).

★Meelaha ka fog xarumaha caafimaadka ama ay ku adag tahay helista adeeg caafimaad; waxa tallaalka la siin karaa caruurta da’doodu ka hoosayso sanadka.

4- MEASLES- Tallaalka jadeecada.

■Tirada dosaska: waxa uu leyahay hal dose, waxana halki dhalo ku jira 10 dose.
■Dosekisa: 0.5ml.
■Meesha laga siyo: waxa ilmaha laga siyaa baruurta (subcutaneous), gacanta midig.
■Kaydkiisa: tallaalkan waxa ka reeban kulka iyo iftiinka, waa tallaal la isku qaso, waxa uu kayka ku jiri karaa ilaa 6 saacadood marka la qaso kadib, heer kulka lagu kaydiyaa waa 2-4c.
■Waqtiga la bixiyo: waxaa la siyaa caruurta kolka ay jiraan 9 bilood.
★Meelaha ka fog xarumaha caafimaadka ama ay ku adag tahay helista adeeg caafimaad; waxa tallaalka la siin karaa caruurta da’doodu ka hoosayso shan sano.

5- IPV – Tallaalka dabaysha.

■Tirada dosaska: waxa uu leyahay hal dose, waxana halki dhalo ku jira 5 dose.
■Dosekisa: 0.5ml.
■Meesha laga siyo: waxa ilmaha laga siyaa muruga (intramuscular), lugta midig.
■Kaydkiisa: heer kulka lagu kaydiyaa waa 2-4c.
■Waqtiga la bixiyo: tallaalkan waxa lala bixiyaa OPV-3 iyo PENTA-3 isbuuca afar iyo tobnaad.
★Meelaha ka fog xarumaha caafimaadka ama ay ku adag tahay helista adeeg caafimaad; waxa tallaalka la siin karaa caruurta da’doodu ka hoosayso sanadka iyada oo lala bixinayo tallaalada kala ah OPV-3 iyo PENTA-3.

6- TT – Tallaalka teetanaha.

■Tirada dosaska: waxa uu leyahay shan dose, waxana halki dhalo ku jira 10 dose.
■Dosekisa: 0.5ml.
■Meesha laga siyo: waxa ilmaha laga siyaa muruga (intramuscular), gacanta bidix.
■Kaydkiisa: heer kulka lagu kaydiyaa waa 2-4c.
■Waqtiga la bixiyo: tallaalkan waxa qaadan kara dumar ku jira da’da dhalmada (15-49).
* TT1- kolka ay hooyadu tagto googaha caafimadka, hooyada uurka leh (GA: >3 bilood).
*Dosekan ugu horeeya malaha wax ka hortag ah ( no protection).
* TT2- ugu yaraan afar isbuuc marka ay hoyadu qaadato TT1.
Dosekan labaad waxa uu hoyada ilaalin karaa 3 sano.
*TT3- ugu yaraan lix bilood marka ay hoyadu qaadato TT2.
Dosekan.saddexaas waxa uu hoyada ilaalin karaa shan sano.
*TT4- ugu yaraan hal sano kadib marka ay hoyadu qaadato TT3.
Dosekan afraad waxa uu hoyada ilaalin karaa 10 sano.
*TT5- ugu yaraan hal sano kadib marka ay hoyadu qaadato TT4.
Dosekan shanaad waxa uu hoyada ilaalin karaa inta Ay ku jirto da’da dhalmada (all child bearing age).

NB; wixii sixid, tafatirid iyo turxaan bixin ah gacmo furan kusoo dhowoow.

Lasoco qaybta xigta.
La wadaag asxaabtaada.
@cilmiside.com
W/Q: Siciid faralaab

Leave a Reply