IMISA LITIR BIYO AH JIRKAAGU U BAAHANYAHAY?

IMISA LITIR BIYO AH JIRKAAGU U BAAHANYAHAY?

Haa waa sua’al fudud lakiin jawaab adag! Hadaba intaanan kaaga jawaabin wax yar aan kaa xasuusiyo fa’idooyinga caafimaad ee biyaha

  • Qashin saarka wasakhda jirka tusaale kaadida iyo dhididka
  • Ilaalinta iyo dheelitirka heer kulka jirka
  • Baahinta iyo qaadista nafaqada jirka
  • Ka qaadashada dheebshiidka
  • Ilaalinta qaab dhismeedka jirka

Hadaba biyo cabista oo aad yareeyso waxay sababtaa (dehydration) oo ah qalaylka ku dhaca xubnaha jirka biyo la’an darteed sidoo kale xanuuno badan.

Hadaan dib ugusoo laabano mawduucayaga aan ka jawaabno su’aasha cilmi baarisyo kala duwan oo la sameeyay waxay isku raaceen in qofku celcelis malintiiba ubaahnyahay. 2litir ilaa 2.5litir oo biyo ah, haseyeeshee waxaa waqtiyo gaar ah oo qofku intaa ka badan u baahan yahay sida:-

  • Waqtiga xagaaga ama kulaylaha badanaa jirkaagu wuxuu u bahaanyahay inaad cabtid biyo dheeriya
  • Hadii aad qabatid shaqo joreed adag ama jimicsi sidoo kale 2.5litir ilaa 3litir isku day inaad cabtid maalintiiba
  • Aroor kasta Isbar inaad cabtid 4 galaas biyo ah (oo u dhiganta 800ml)

Hadaba way kugu adkaaneyso bilowga inaad joogteeyso 2 litir ilaa 2.5 litir oo biyo malin walba lakiin isku day inaad tartiib-tartiib u bilowdid kadibna aad malinba maalinta ka danbeeysa kordhis inta aad cabaysid

Leave a Reply