dhul iyo dhoof (maanso)

dhul iyo dhoof (maanso)

  • taariikhda maansadaan aan qoray waxay ahayd dhamaadkii 2014kii bishii December waqti habaynimo ah oo dhinacaygu dhulka diiday, hurdana haba yaraatee wax un aan iska waayay . Habaynkaas waxa uu ahaa habayn xusuus wayn  igu leh, ahna dareen murugo iyo xanuun aan dareemay miduu keenay, xanuunkaas oo oo aad utaqaanaan tahriib.
  • sidaynu wada ogsoonahay tahriibku waa bulsho guur saameeyay idil ahaan meelkasta oo soomaali dagto, kaasoo loomaro dhibaatooyin badan inta aan lagaarin meeshii larabay. tahriibku waa socdaal ay umada soomaaliyeed khaasatan dhalinyaradu ka ga carareen dhulkoodii hooyo iyagoo aysan jirin wax cayrinaya ayna ugu carareen dhulshisheeye, waxaa lagaba yaaba in ay qaarkood ku dhintaan , lajirdilo, lakufsado, xubnahooda qaaliga ahna ay ku waayaan inta ay dhex siimarayaan.
  • qofka tahriibaha ah wuxuu marayaa wadamo kala duwan oo afrika, asia iyo europa iskugu jira, wuxuuna kumarayaa lug, gaari , dooni teendho ah ama tayuub hawo lagu buufiyay, kaasi oo hadii ay qodax yar mudo ama dilaac yar gaaro ay kuwada nafwayn karaan aalaabana dhacda. tahriibka ajaanibta iska daaye waxaa ka ganacsada dad caan ka ah meelaha laga tahriibo ku waas oo ah soomaali calooshood ushaqaystayaal ah, wax diirnax iyo dimiir ahna aan lahayn, ku waas oo aruuriya dhalinyarada kana sooqaada guryahooda gacantana u galiya nin magaciisu aanu idinku cusbayn lana yiraahdo magafe.
  • magafe waa magac ay soomaalidu u bixiyeen ninkan dhibay, dhagahoodana ku soonoqnoqday inbadan wax arxan ahna aan usamayn. Maalkooda ayuu gurtaa isagoo gurigiisa raaxaysanaya, si ay ugu badbaadsadaan oo ay walidiintu awlaadooda ku doorsanayaan iyaga oo fadhigiisa ugu diraya. magafayaashu waa ay badan yihiin laakiin labada ugu caansan waa magafaha masar iyo kan liibiya jooga.
  • qisada intii aan qiso tahriib maqlayay iigu xanuunka badnayd, markii aan dhagaystayna iga ilmaysiisay waxay ahayd:-  2012 kii ayaa wiil waxa uu katahriibay magaaladii uu ku dhashay, kusoo barbaaray kuna soo waxbartay. wiilku waxa uu ahaa agoon aabihii dhintay, waxuuna u waynaa gabdho labo ahaa oo isaga ka yaryar. qoyska wiilku ma ahayn qoys wax hanti (maal aduun) ah haystay , haseyeeshee un boos guri (jago)  qura aabohood ka dhaxlay. wiilkii waxa uu gaaray liibiya , waqtiyar kadib wiilkii oo meel uu maray lala’yahay ayaa soohadlay, wuxuu sheegay in uu lajoogo ninkii magafe ahaa, wuxuuna kanixiyay hooyadii oo uu yiri hooyo meeshan dadka joogo hadii aadan  lacag 4 kun  gaaraysa usodirin way idilayaan . hooyada wiilka dhashayi wax hanti ah waxay ka haysataa dhulkaas ay ninkeedii dhintay ka dhaxashay. waxay fakartaba hooyo ilmaheedii af dhurwaa ku jiro si ay uga soosaartaba way kasoo saariye, waxay go’aansatay inay iibiso dhulkii iyadoon kafakarin labadii gabdhood naftoodii iyo waliba iyada nolasheeda waxa u danbayn doona. markii ay dhulkii iibisay lacagtiina dirtay ayaa wiilkii safarkiisii tahriibka horay u gusii socdaalay, waxa uu gaaray meeshii uu karaaci lahaa doontii talyaaniga u baxaysay. doontii markuu raacay isaga iyo intii lasaarnaydba shil ayay galeen wayna ku wada le’deen wax alaale iyo wixii qof doontaas saarnaa haba u badnaadeen soomaalidu’e. inyar kadib hooyadii waxaa soogaaray war ah in wiilkeedii dhintay. ilmiyo baroor maxay uqabanaysaa hooyadaan dhiban. halkaas ayaa ay hooyadaas ku wayday wiilkeedii iyo booskii ay hanti aduunba kalahayd. qisadaan waxaa jira kumanaan qisooyin tahriib ah oo lamid ah ama kaba sii xanuunbadan.
  • maansadaan waxay dabo iyo dacal ka hadlaysaa waxyeelada tahriibka iyo munaafacaadka dhulkeena hooyo uu leeyahay oo dhalinyaradeenii ay ka indha saabatay iyaga oo u muuqdo dhaldhalaalka dunida kale yaala gaar ahaan (Europe iyo America)
  • hadii aan bisleeyaa sababta maansadaan soo dhiraan-dhirisay, waxaan u dulqaadan waayay dhalinyaradeenii oo ah mustaqba dalka iyo dadka, oo faarujisay gabi ahaan soone kasta oo soomaali dagto. garaad yari iyo maangaabnimo haysa awgeed waxay u maraaan rafaad, noocyada tacadi shaqsi loogaysankaro sida ( kufsi, jirdil, takoor iwm).
  • waxaan ku tilmaamay maansadaan khayraadka wadankeena yaala anigoo aan ka tagin intiisa u muhiimsan, sida badaha oo laba ah (bada cas iyo bad waynta hindiya), wabiyada oo iyaguna laba ah ( wabiga juba iyo wabiga shabeelle), xoolaha oo iyaguna sadex nooc ah (ariga,geela iyo lo’da) iyo macaadiinta kale shidaalkuba ha ugu badnaadee. Waxaan kale oo ku sooqaatay noocyada geedaha faa’iidada u leh dadka iyo duunyada, oo ay miruhu ka baxaan ama ku wa malabka,surta iyo waxyaabaha kale laga helo.
  • dhalinyarada had iyo goor badaha iyo saxaraha ku dhimata, hadaad eegto ama aad u fiirsato wax yaabaha ka danbeeya inay tahriibaan waad layaabaysaa. qaarkood iyaga oo waalidkood gacan maranyahay ayaa waxay ku dirqiyaan inuu u dawarsado waalidkood si uu naftooda u badbaadiyo. waayo lacagta lagu tahriibaa maahan tu yar waa mid shaqooyinka ganacsi ku wooda u gu wanaagsan lagu abuuri karo.
  • waxaynu nahay dad islaaama marka aynu diinteena suuban ku noqono oo aan fiirino qofka tahriiba baabkiisa, waxa uu udhigmaa qof isdilay, waana ehelunaar.
  • maansadu waa dood dhexmaraysa inan(wiil) dhoofka jecel iyo inan(wiil) dhulkiisa hooyo ku dhaata oo jecel, waxaana dhexdhexaadinaya aniga iyo wadaad:- waxayna u dhacaysaa sida tan:-
  1. dhagta hadalka gaarsii
  2. dhawaaqayga maqal oo
  3. ilaa aan dhameeyana
  4. murtidayda dhuuxoo
  5. yaan la dhayalsan erayada
  6. bishimahayga dhawrsani
  7. ay kala dhigaa yaan
  • cisho dhawoo aan dheerayn
  • dhinacayga maan dhigin
  • waxa aan is babac dhigay
  • xoola dhaqatadeeniyo
  • daka dhoofka jeceloo
  • dhul shisheeye aadaa
  1. ninka dhaxal awawgii
  2. dhaqan kuu lahaa iyo
  3. dhaqda xoolihiisoo
  4. had iyo goor ku dhiiroon
  5. shaqadii dhulkiisoo
  6. hadba dhinac barwaaqada
  7. dhuubcad caanaheedii
  8. iyagoon is dhalan rogin
  9. aameel ku dhama oo
  10. dhafaruur mareer iyo
  11. hohob tiisa dhuuqa
  • yicib tana isdhaafshoo
  • miracaskaa dhalaaliyo
  • dhurdaha iyo surtuu dhigay
  • ka jabsada dhirtiisoo
  • hilibka iyo dhuuxiyo
  • dhuunigaa freshka ah
  • dhib la aansho aayara
  • hawdkaa ku dheefsada
  • iyo dhoohanaha tagay
  • meel baraf ka dhacayoo
  • dhaxantiyo qabawgii
  • feeraha ay dhar baaxaan
  • oo tahriib ku dhaafoo
  • mawjadaha is dhalan roga
  • bada dhumucda kulul iyo
  • berigaan dhagxaanta leh
  • u sii dhabar adaygoo
  • inta uu dhex marayana
  • udhexeeya geeriyo
  • inuu nolol ku dhaafaa
  • dhacdo yaable weeyee
  • labadaba u dhawaaqoo
  • dood dheer ufuray oo
  • ka dhexbaxayse dabadeed.
  • dhulkiisa joogaan
  • ku dhaweeyay ereyada.
  • wuxuu  yiri dheef mooyee
  • wax dhibaad ah maan qabo
  • dhulalkaad u dhooftaan
  • dhulkaygaa ka wacanoo
  • khayraad dhexyaalaa
  • dhinac xoolahaa yaal
  • dhana beerahaa yaal
  • dhana laba badood iyo
  • wabayay dhamaanayn
  • biyahood dharaar qura
  • dhankalana macaadiin
  • dheemanka iyo luulkii
  • maxaan dhoof ku falayaa
  • maan intaydaa dhawrsado
  • kaasi wuu dhamaystaye
  • dhul shisheeye aadaan
  • ku dhaweeyay hadalkii
  • wuxuu yiri ma dhayalbaa
  • hadalkaad dhahaysaa
  • mise waaba dhalanteed
  • dhulkaad sheegi nabaadguur
  • xoolihii dhamaad bay
  • udhaw yihiinse dhimashada
  • dhiri nooma harinoo
  • geedihii la dhuxulee
  • bini aadamkaba dhaaf
  • ugaadhii dhaqaaqdaye
  • ayaad dhayal u haysaa
  • aan dulucda dhaadhaco
  • soo dhifto asbaabtaas
  • dhab ahaansho waxay thay
  • waa caro dhan eebiyo
  • kutimaaday dhiigiyo
  • qabyaalada dhunkaasha ah
  • dhidbaha aad u taagteen
  • kasooroor dhibaatada
  • maskiin yahaw dhactaasha ah
  • kaasna wuu dhamaystaye
  • dhakafaaray aniguna
  • dhumucdooda hadalkiyo
  • markaan dhuuxay sida ay
  • doodahooda dhiiroon
  • isku dhaafsanaayaan
  • gartaan maan dhexgalikaro
  • waxaan ahayse dhalin yaro
  • xeer beeg dhaqmeed iyo
  • waa inaan u dhiibaa
  • guurtida u dhuunloon
  • ka dhexbaxo siday tahay
  1. dhawrsane wadaadbaan
  2. u dhaweeyay labadaba
  3. markii uu dhagaystoo
  4. dulucdooda dhuuxay
  5. ayuusoo soo dhaweeyoo
  6. dhagihiina fura oo
  7. idhagaysta uu yiri
  1. dhalinyahay dhanaankiyo
  2. macaankaa la dhadhanshaa
  3. dhalinyahay waxaad tiin
  4. mustaqbalkii dhulkeeniyo
  5. laf-dhabartii bulshada iyo
  6. dhismaheeda aayaha
  7. iyo udub dhexaad keed
  1. ninka dhoofayaw maqal
  2. dhab ahaan aduunyada
  3. laba ayaa ladhawraa
  4. dhimashiyo lidkeediyo
  5. aakhirood u dhaaftaa
  6. camalkuna dharaartaa
  7. dhanka suuban waa khayr
  8. ninka dhiba naftiisoo
  9. ku dhintaa tahriibkana
  10. aakhiraa ladhibayaa
  11. waxa uuna udhigmaa
  12. nin isdhaafshay ruuxdii
  1. dhanka kale hooyada iyo
  2. aabihii ku dhalay oo
  3. dhinacaaga joogoo
  4. dhuunigooda karahayn
  5. inaad sii dhibtaa oo
  6. magafaan dhexjoogaa
  7. aad ku soo dhawaaqdaa
  8. dhawrkun buuna sugayaa
  9. ama wuu idhidib tiri
  1. waxa ay u dhigantaa
  2. bahalkaa ku dhaamee
  3. adoo nolosha dhaafshoo
  4. dhiigooda cabayaa
  1. aan idiin dhameeyee
  2. dhalinyahay wax maqaloo
  3. ruuxdiina dhawroo
  4. hadaad wada dhaqaaqdaan
  5. ama aadba dhimataan
  6. dhulka yaa u harayoo
  7. dhaxlin aayahaan iman.

Leave a Reply