Dhaqamada guracan.

DHAQAMADA GURACAN EE AFEEYEY DADNIMADII IYO SUMCADII UMADA SOOMAALIYEED..

BismiLlaah.
Hordhac.

Bulsho kasta oo meel wada degan isku si bay wax u arkaan, isku si bay waxna u soo dhoweyan oo agtoda uu uga yahay wax sax ah oo iska caadi ah, waxna u fogeeyan oo u agtoda uga yahay wax khaldan. Waxa bulshada isku argti ka dhiga deeganka iyo diinta.
Deeganku wuxu door muuqda ka ciyaara in bulsho kasta oo meel degani wax ceebeyan ama amaanan iyagoo u cuskanaya Diintoda iyo Dhaqanka ay haystaan.

Bulshada Soomaaliyeed waxay degan yihiin mandaqada geeska Africa, waa bulsho islaam ah, isku af ah, isku muuq ah, isku dhaqan ah, aragtida bulshada Soomaliyeed waxa sal u ah diinta Islaamka, waa halbeega iyo tixraaca ay ku miisamaan wax kasta oo lasoo gudboonada.
Hase ahatee waxa jira wax yaabo badan oo diinteena suban aan ku banaanayn Dhaqan ahaana aan ku saxnayn, sababta ugu weyn ee dhaqamada inaku kalifay waa Jahli iyo aqoon yari baahsan oo xaga Diinta ah.

Dhaqamadaas guracan waxa ugu waa weyn;
1- Midab Takoorka.
2-Qabyaalada.
3- Kala qaybsanaanta
4-Maandooriyaha jaadka.
5- Kaalinta Dumarka.
6- Gudniinka Fircooniga ah.

Inagoo mid mid isu dul istaagi doona qodobadan aan kor kusoo xusay, waxan eegi doona dhaqamadaas guracani waxay ay yihiin, sababta inaku kaliftay, Halka asal ahaan dhaqankasi inakaga yimi, diinteena suban wax ay ka qabto iyo sida aan ula dagaalami lahayn una dabar goyn lahayn.

@DonSDinhoVicJr.

Leave a Reply