corona virus, calaamadihiisa iyo ka hortaga!

corona virus, calaamadihiisa iyo ka hortaga!

Waa maxay crona virus?
Corona virus waa nooc kamida virusyada sababa hargabka daran iyo caabu neefmareenka qaybtiisa sare.
Inkastoo 70kii sano e ugu danbeysay la aaminsanaa in virus kani ku dhoco kaliya xayawanda sida jiirka, bisada, shimbiraha iyo lo’da hadaba sandkii aan soo dhafnay e 2019 ayay ahayd markii la ogaaday inuu dadka ku dhoco islamarkaana loo baxshay magac cilmiyeedka “COVID-19”.

maxaa lagu gartaa xanuunkaan?

calaamdaha xanuunka badankii waxay u egyihiin kuwa hargabka inta hore sida
◦ Qufac qalalan
◦ Qandho sare
◦ Madax xanuun yar
◦ Hindhiso iyo duuf badan
Hadaba calaamadahani qofba qofka kale way ku kala duwanan karaan hadii aan lala tacaalun qofka  waxaana suura gal ah in xanuunku qofka kusii daraado uuna sababo
◦ Caabuqa sanbabada
◦ Inay fariistaan xubnaha ugu waaweyn jirka sida kelyaha, sanbabda
◦ Ugu danbeyna koomo iyo dhimasho
FG: ogow in mudada qofka uu xanuunku ku dhacay iyo mudada ay calaamaduhu kagasoo muuqanayaan ay gaareyso ilaa 14 maain

sidee uga hortagi kartaa xanuunkan?

1- Xanuunku waa mid ku gudba dhanka hawada, sidaa awgeed waa In aad xirataa (mask) ama jaanta afka lagu xidho si aad isu ilaaliso (xilliga xanuunku dillaaco suuqyada way ku yaraataa sidaa darteed horey usii iibso, si lamida online ka adigoo dooranaya nooca N95)
2- haku badnaan goobaha dadku isugu yimaadaan 
3- sidaan kor ku xusnay alaamadaha xanuunka waxaa kamid qandho ama heer kulka jirka oo kor u kaca (ilaa iyo 40 degree) . Waxa haboon in uu guriga ku yaal heer-kul beeg si aad ula socoto xaaladaada caafimaad sida kanoo kale
4- hadii qof ehelkaaga ah ama guriga kugula nool ee aad ku aragto calamaadaha aan soo xusnay fadlan dhakhtarka ula carar
5- hadii aad isku aragto qaar kamida astaamaha aan kasoo hadalay ka fogow ehelkaaga si dedegana dhakhtarka u tag
6- yareey salaanta gacanta iyo maraxabaynta
wixii talo iyo tusaale ah hoos noogu reeb, mahadsanid
W/Q: Abdirahman jama (Abdure)

Leave a Reply