CAQLI HAWEEN

CAQLI HAWEEN

Cuttiyo Waxay dhex fadhidaa gabdho la ayni ah waliba dhanka aqalka afaafkisa kuso jeedda ayay ku fadhida kabad markaa hooyo xaliimo dorraad ay toshay kuulo quruxbdanna ku tidicday

waxa modda aqalka hadal buraan ahi inu ka so baxayyo waase kaliya qofka jooga bannaanka aqalka ee roobku ka da’ayyo ase qof gudaha ugu jiraa wuxuu garan in warsan oo inta timaha shalay khamiisti loo dabay gabdhahana dhexda ugu jirta ay ka shekaynayso sheeko waayo waayo

gabdhaha kale ee gashaatimaha ah ay cuttiyo ugu qurux roontahy waxa moodda in sida waran lasii ganay inay u eegayyaan bishimaha iyo ladlaadinta gacmaha warsan oo markaa ahyd gabadha xagga sheekoyinka waxbadan looga hoos fariisan jiray dhamaan qoyska reer cali mataan .
Cuttiyo kama heshoo shekooyinka mala awaalka iyo beenta ku dhisan ase wxay isaga mashquulin carada ay ka dhaxashayay canaanti ay hooyo xalimo galabta qurax dhaciii dhagaha kaga jaftay, caawa wx cunto ahi afka may saarin lkn hoos fadhiisashada warsan aya Gaajadi iyo caradii ay canaantu dhaxalsiisay kaga yara dageen.

“Markaaasu libaaxi soo yara jeestay illeen wa libax la ganay carana laso jeestay ….) cuttiyo oo ka war sugi kana dhowraysa afka warsan waxa libaaxa waranka lagu ganay fali doono iyo wxa isku soo beegmay waxaad mar ka hore moodayso bahal hoose qabowgiisa ase mrkaaad yara unugusho maskaxda aad isleedahy wa qori qoyan, oo halkaa kalxanteeda ka yara xanxanteenayya
Kadib marku ogaaday dhawaqeeda gartyna dhankay kaga toosantahy aqalka Wa faarax oo aqalka gadaashiiisa jilba dhigtay, 2da ruugna ku muttay dhoobada qoyan ee roobku maasheeyay, deedna aqalka kaso dusiyy jeedal roobku qoyay oo dhogortii casayd ee farska uu dhulka dheer kaga so hayyamay ku ulaynayy ay ku xardhantahy.

Cuttiyo garaty ninka aqalka gadashisa qottonsan jeedalkana kaso dusiyy aqalka, kalxanteedana hadba dhinac kaga mudayya jeedalaka in faarx o aysan 2 g’u indho saarin yahay.
Cuttiyo caradii iyo gaajadii ayba wakiil uga dhigatay tirtirkeeda warsan oo hdda sii xabeebsanaysa, markan faarx aya raadki ugu dambeeyy tirtiray wxy dareentay frxd iyo rayrayn ase la noqon wayday caawa in faarax joogo aqalkii iyo ciddii ay dirirtu dhex martay 2 g’u ka hor saqiir gawrucuna ay dhex tiiillay.
See uso hammiyy cuttiyo ay bari isjeclaayen haddese aabbeheed 2 rag oo iyada la dhashay kaga maqanyihiin reerka uu faarax xoogga uyahay mase caawa nabad noqon karaa waakan reerka raaskoodi dhex jooge ,wxy ahyd wxa cuttiyo maskaxdeeda kuso dhacay markiiba

“War buraanka iyo beenta naga dhaafa cid sheeko kale hanoo bilowdo ama anaga na dhagaysta”cuttiyo aayaa ku qaylisay iyado gacanta midigta ahna ku haysa jeedalka uu gadashiisa faarax hayyo ood mooddo iny dhogorta faraska ay ka yara nadiifinyso ase doonayn iny arkaan hablaha ku hareeraysan
Warsan oo markan dhuuntu qallashy ase ka xun inaysan sheekadii dhamayn ayaa inta cuttiyo eegtay tiri hayye caawa shekad haysaa bal inoo bilow inta il xun kusii eegtay.

“””bari ayaa wiil iyo gabar isku degaan ahi sheeko wadaag ahaayeen wuxu geedigu socdaba markay isla dhigeen in reerku dago gogol xariira aroos bilicsana lagu furo, ayaa 2diii reer wa reeka wiilka iyo gabadhee dhiiilo colaadeed dhex martay wax same wade ah oo ay ku baxsadaan gooray waayeen wxy noqoty in rag badan 2da dhinac ahi lagaso walwaalo dooxada *dhanaane * dhaanle raabqaad iyo halkalowluhuna kumuunan yareen, reerki wada dagnaa 2bo jihho ayu goor dambe ukala yaacay sidi cawshi .
wiilki iyo inanti xoolihi caws wadaagga ahyd bu hdda midba dhinac ku horjooga
Baryo badan uu inanku dhulka ushiiisa ku jeexjeexo kadib wxy uga g’o day inu dhul dheer so dhex tibaaxo cagtana ag dhigo reeray bariido ka dhxayn kana so ag dhawaado gabadhu buurta dheer fiiqdeeda kaso dhugan jiray 2 g’u kahor , illeen wa naf wax jecele
Wuxuu soo socdaba xilli habeenimo ah roobna d’ayyo ha hoos yimaado inantii aqalkoodi oo sideenan ookle caawa gabadhi iyo gabdho aynigeed ah ku shekysanayyaan aqalka
Inanku mrkiiba garay dhankay fadhido gabadhi , inta jeedalkiisi aqalka kaso dusiyy halkaa araxda ah ayu kaga muday gabadhi , garaty in jeedlkani jeedalka inankki yahy frxd iyo walwal ay ka qabto in hablaha la fadhiyaa iyo reerkuba ka warhelaan ayaa isugu biirtay
Wa gabar caqli roone inta ay shekadii majareheeda boobtay kana shekaysay sheeko ay dhextaal u ahyd 3dex arimod oo ay si dadban uGula hadlayso wiilka ay jeceshahy aqalka bannaankiisa taagan ayay tiri :

Ma haadi ku waday !
Mise baahi ku haysay !
Mse wixi inaga dhaxeeyy usocotay !


Hadday haadi ku waddo so gal guriga deedna madaxaaga brri halaga dul dhaanteeye
Hadday baahi ku waddana eegaanta caanuhu ku jiraan ee aqalka gadashiisa ka lulata kor isugu qabo
Hddi wixi inaga dhaxeeyy usocotyna geedka aqalka gadashiisa ku toosan 100ka tallaabana ujira sii tag
Inantii wy dirtay dhambaalkay uwaday inanka , goor dambena waxay ugu tagty geedki
Shekadiiina halkaa ha inoo joogto ayy cuttiyo kuso xirtay”””.

Cuttiyo oo garaty inay farriiinti ay usocotyba dirtay aya inta neef kaso g’day jeedalkii ay muddada haysay sii daysay .
Faarx isagu shekadii ay ka shekaynysay cuttiyo si wacan ayu udhuxayy isago la amakaagan inantan caqligeeda inta caanihii ay u tilmaanty cabbay ayuu u dhaqaajiyy geedki looo tilmaamay
Xilli dambena cuttiyo oo hareeraha iska yara eegaysa ayy soo agjoogsaty faarax oo geedka hoostiisa fadhiya halkii ayayna ku noqotay fangalis gadaal ka saaran faraskii cassaa kuna midoobeen faarax iyo cuttiyo iyagoon khatar la kulmin.

W/Q:Eng mohamed abdalla “caynsane”
Xanafi47@gmail.com

This Post Has One Comment

  1. Mahbub

    Aad baad ugu mahadsantihiin tala bixintiina iyo tusaalooyinka fcn ee ad bulshada la wadaagtaan xili kasta walaalaha cilmiside.
    Anigu waan ka faaiideystay.

Leave a Reply