WALAACA WELWELKA IYO WALBAHAARKA Q1aad

WALAACA WELWELKA IYO WALBAHAARKA Q1aad

WALAACA, WELWELKA IYO WALBAHAARKA.

BISMILLAAH..

Murugada, walaaca, degenaansho la’aanta, in aad ku qanci weydid nolol maalmeedkaaga, raja la’aanta iyo quusashadu waxay ka mid yihiin calaamadaha ugu waaweyn ee walaaca welwelka iyo walbahaarka. Kuwaas oo haday joogto iyo caado kuu noqdaan saamayn lixaad leh ku yeelan kara noloshaada.

Mu’asasada la yiraahdo (Centers for Disease Control and Prevention (CDC), waxay sheegtay in 7.6% dadka walbahaarka la sxpka ahi in da’doodu ka sarayso 12 sano ayna u badan yihiin dumarka tasoo ay lu sababeyeen in ay aad ugu nugul yihiin dhibtaada aduunyo ee soo wajahda.
Haayada caafimaadka aduunka ee (World Health Organization (WHO), iyana waxay sheegtay in welwelku kamid yahay jirooyinka ugu badan ee soo wajaha dhammaan bulshooyinka ku dhaqanka aduunka ayna sabab u noqoto in dad badani ay ku keento xaalad adag oo sabab u noqon karta in qofka la kulmaa uu nolosha ku waayo.
Waxay xuseen in qiyaas ahaan 350 million oo qof ay saamaysay jiradani aduunka oo dhan (globally).
Maxaa sababa welwelka walaaca iyo walbahaarka. (Causes)

Sababtaha jirooyinkan si ficaan weli looma fahmin (depression), sidoo kale ma jirto hal sabab oo loo anayn karo jiridan xiseed iyada oo ay sababteeda ugu weyn lee dahay qodobo is biirsaday oo isugu jira kuwo caqliga iyo xiskiyin ah
( psychological) iyo ku jidhka la xidhiidh (physiological), waxana ugu muhiimsan kuwan soo socda:
*Hide (genetics)
*biological – isbedel ku dhaca wax lo yaqaan (neurotransmitter) kasoo oo ay sababeen (psychological and social (psychosocial)
* dhacdooyinka nolosha (Life events): sida furiinka, dhimashada qof qarabada ama asxaabta ah, xidhiidh xumo soo kala dhex gasha qofka iyo qoyskiisa ama asxaabtiisa, dhibaato dhaqaale iyo mid caafimaad.
* shaqsiyada (Personality): kolka qofku ku guuldarayso inuu xal u helo caqabadaha nololeed ee soo wajaha ama uu awoodi kari waayo inuu mareeyo xaaladaha adag ee uu la kulmo.
* Nabaro ama boogo soo gaadhay ciyaalnimadiisii (Childhood trauma).
*dawooyinka qaar ka mid ah sida: corticosteroids, some beta-blockers , interfero
IWM.
*daroogiyinka sida: khamriga, dawooyinka maanka dooriya sida amphetamines, iyo qaadka IWM.
* Dhaawac madaxa kasoo gaadhay (A past head injury)
* Xanuun waqti dheer soo hayey (Chronic pain syndromes): sida Macaanta (diabetes), xanuunada sambabka (chronic obstructive pulmonary disease), iyo xanuunada wadnaha iyo xididada dhiiga qaada (cardiovascular disease).
Dhammaan qodobadan iyo kuwo kale oo badan waxay sababaan welwelka iyo walaaca iyo walbahaarka.
Calaamdaha (Signs and symptoms)

Calaamadha welwelka, walaaca iyo walbahaarka ee ugu weyn uguna muhiimsan waxa ka mid ah rajo dhig, iyo in uu qofku waayo awoodii iyo xiisihii uu qofku ku wajahi lahaa ama ku dabaqi lahaa nolol maalmeedkiisa iyo dhiibtoyinka ay wataan.
Waxa kale oo jira calaamdo kale oo fara badan waxana ka mid ah;
Niyad jab qofka ka awood bata, hoos u badh baaxad leh oo ku yimaada firfircoonidii iyo nashaadki qofka, in qofku aanu xiise u hayn waxyaabihii nolosha asaaska u ahaa sida cuntada, cabida, galmada iyo hurdada( oo yaraata ama badata amba uu qofku waayo), miisanka qofka oo hoos u dhaca, waxa kale oo qofku lasoo derso taas oo loo yaqaan (psychomotor agitation) sida deganaansho la’aan, waxa hoos u dhaca
(delayed psychomotor skills), sida dhaqdhaqaaqa iyo hadalka oo qofka kasoo bixi waayo, daal fara badan iyo tabar daro soo wajahda qofka isaga oo aan qofku waxba qaban, hoos u dhac ku yimaada awoodi uu qofku ku fekeri lahaa (impaired ability to think), hoos u dhac ku yimaada awoodi qofku go’aanada ku qaadan lahaa (make decisions), fekero wasakhaysan oo qofka maankisa kusoo noqnoqda sida dhimasho ama inuu isdilo waxna dilo, dhac ama boob, isku day kufsi iyo ficilo bulshada agteeda aan laga jeclasysan ama lasoo dhoweyn karin IWM.

Lasoco qaybta xigta..
Lawadaag asxaabtada..
W/q Siciid Faralaab.
Drsaed11@gmail.com

Leave a Reply