QAYBAHA XANUUNKA SONKORTA.

QAYBAHA XANUUNKA SONKORTA.

QAYBAHA SONKORTA

1) Qaybta 1 (Type 1 diabetes)

Qaybtan jidhku masoo saaro insulin. Waxa kale oo qaybtan loo yaqaan (insulin-dependent diabetes, juvenile diabetes), ama sonkorta xiliga hore (early-onset
diabetes). Dadka ay ku dhacdo qaybtani waxay da’ doodu ka yar tahay 40 sano, badanaa kolka qofku yahay ciyaalka ama dhalin yarada.
Qaybta 1 ee sonkortu qiyaastii waa 10% dhammaan kaysaska Sonkorta.
Bukaanka qaba qaybtan kowaad waxay u baahan yihiin iraabta insulinta si sonkorta dhiigoodu hoos ugu dhacdo ama ama ay u nooladaan, bukaankani uma baahna inuu qaato dawooyinka sonkorta sababto ah waxba kama tarayaan sonkortiisa kacsan. Sidoo kale waxa lagama maar maan ah in ay markasta la socdaan, baadhitaano kalena ay maraan, kana feejignaadan halis kasta oo cudurkan kaga imaan karta iyo in ay quutaan cuntooyinka ay sonkortu ku yar tahay.
Qaybta 2 (Type 2 diabetes)

Qaybtan jidhku masoo saro insulin si sax ah u shaqaysa, ama unugyada jidhkaa iska caabiya insulinta (insulin resistance).
Qiyaastii 90% kaysaska sonkortu waa qaybta 2.
Dad qaba qaybtan qaarkood Cabarida heerka sonkorta dhiiga iyagaa iska cabira, sidoo kalena waxay calaamadaha sonkorta ku maareyaan inay misanka iska ridan iyagoo cuntu ficana qaadanaya, waxayna sameeyan jimicsi ku filan. Si kasta ha ahaatee, cudurkani waa mid markasta halistiisu badan tahay- isagoo si tartiib ah xalada bukaanka markasta halis u gelin kara.
Bukaanka qaba Qaybtan badana uma baahna inuu si joogto ah u qaato insulinta waxana ku filan kiniinka sonkorta inkastoo aan xaaladaha qaar laga fursan karin iraabta insulinta.
Qofka aadka u buuran iyo kan cayilka xad dhaafka ahi waxay ay halis weyn ugu jiraan sonkorta qaybta 2 marka la barbar dhigo qofka aan baruurta badan lahayn. Dadka aadka u buuran ee baruunta badani ka saaran tahay caloosha (central obesity), iyo kelyaha dushooda waxay si gaar ah halistoodu uga badan tahay dadka kale.
Qofka buuran wuxuu jidhkiisi sii daaya kiimikooyin cariya (destabilize the body’s
cardiovascular and metabolic systems).
Wax yaabaha kale ee qofka halis gelin kara waxa ka mid ah; jimicsi la’aanta iyo fadhiga badan, cunida badan iyo dhaxalka, iyo cabida cabitaanada sodhadu ku badan tahay, sidoo kale da’da qofka oo sii weynaata.

LASOCO QAYBTA XIGTA.
LA WADAAG ASXAABTAADA.
W/Q SICIID FARALAAB.
DRSAED11@GMAIL.COM

Leave a Reply