QAYBAHA MADAX XANUUNKA.(2).

QAYBAHA MADAX XANUUNKA.(2).

Qaybaha (Types).

Waxaa jira tiraba dhowr qaybood oo madax xanuun ah waxana ka mid ah:
1-Tension headaches
Kolka aad cunto ama cabto wax aad u qaboow waxa kula soo dersa madax xanuun ka yimi maskaxda (brain freeze). Madax xanuunkan waa kan ugu badan ee heerka koowad.
Noocan madax xanuun wuxuu ku bilowda si caadi ah kolka aad ku guda jir tid nolol maalmeef kaga wuxuna badanaa ba’aa markaad nasasho iyo hurdo heshid. Qofku wuxuu dareema; sidii in culays ka saaran yahay madaxa dhamaantii, waxaa garaacma lada gees ee madaxa waa xanuun joogto ah wuxuna kusii fidaa ilaa luqunta. Xanuunka wuxuu noqon karaa mid waqti dheer qofka haya (chronic) wuxuun socdaa mido 15 maalmood ilaa 3 bilood ah, ama mid mar mar kusoo kaca( episodic) Episodic attacks ku wuxuu socdaa sacado kooban lakin wuxuu marmar qaadan karaa dhowr cisho.
2- Dhan-jaf (Migraines)
Waa xanuun saa’id ah oo laga dareemo dhinac madaxa ka mid ah. Xanuunkan daran waxa weheliya astaamo kale oo ay ka mid yihiin; indho madoobad (blurred vision), lalabo (nausea), wareer iwm.
Dhan-jafku waa kan ladaan ee ugu badan madax xanuunka heerka kowaad (primary headache), wuxuuna saamayn weyn ku yeesha nolol maalmeedka qofka. Hayada caafimaadka aduunka WHO waxay sheegtay in dhan-jafku yahay kan 6aad ee sababa in qofka nolol maalmeed kiisi carqaladoobaan.
Dhan-jafku wuxuu socdaa dhowr saacadood ilaa 2 ama 3 maalmood.
3- Madax xanuunka la xidhiidha isticmaalka dawooyinka (Rebound or medication-overuse headaches).

Isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinku wuxuu keena madax xanuun la xidhiidh ku sumoobida dawooyinka loo isticmaalo xanuunka. Waa nooca ugu badan ee heerka labaad (secondary headaches). inkastoo ay marka hore dawadu xanuunka bi’iso hadana Xanuunku wuxuu bilowdaa marka samaynta dawadu jidhka gasho wuxuuna socdaa ilaa maalinti oo dhan. Sidoo kale xanuunkan waxaa dheer qoor xanuun, deganaansho la’aan, cabudh, hurdo yari iwm. Madax xanuunkani wuxuu kaloo keeni karaa calaamado kale kuwaas oo malinba nooc ah.
4- madax xanuunka googo’a (Cluster headaches)

Madax xanuunkan loo yaqaan (Cluster headaches) badanaa wuxu qataa 15 daqiiqo ilaa 3 sacadood, sidoo kale wuxuu si kadis ah u yimaada hal mar maalintiba mudo dhan isbuucyo ilaa bilo. Inta u dhexeeysa kala googo’a (clusters), qofku ma dareemo wax xanuun ah waqtigana wuxuu xor ka nodaa madax xanuunka mudo dhan bilo ilaa sanado.
Madax xanuunkan kala googo’a ah waa nooc ah; hal dhican oo xanuun saa-id ah leh badanaa waa qaab gubasho oo kale ah waxaana laga dareema indhaha hareerahooda, meesha uu saameyona waxay noqotaa casaan barar leh, baalaha indhuhu wey dhacaan, wuxuuna lee yahay duuf iyo dareere sanka ka socda oo ku kooban dhinaca uu saameyey.
5- madax xanuunka (Thunderclap headaches)

Waa mid kadis ah, aad u daran kaasi oo lagu sheego inuu yahay ” madax xanuunka ugu daran ee qof soo wajaha noloshiisa”.
Wuxuu gaadhaa meesha ugu saraysa ez xanuun gaadho wuxuuna qaataa wax ka yar daqiiqad ilaa 5 daqiiqo.
Madax xanuunkan hanqadhka ah (thunderclap headache) waa madax xanuun heerka labaad ah (secondary) oo ay sababta xaalad caafimad daro oo halis ah (life-threatening conditions), sida dhiig maskaxda dhexdeeda ku furma (intracerebral
hemorhage), xinjiroow ku dhaca halbowlayaasha dhiiga maskaxda ka qaada (cerebral venous thrombosis), halboowle dilaac (ruptured or unruptured aneurysms), jirooyinka loo yaqaan (reversible cerebral
vasoconstriction syndrome (RVS), meningitis , iyo
pituitary apoplexy).
Dadku waxay la kulmaan darbad xanuun aad u daran oo kedis ah waxana lagama marmaan ah ama ay qofkaas ku kaliftaa inuu si degdeg ah xaruhama caafimadka u booqdo.

LASOCO QAYBTA XIGTA.
HA ILLAAWIN INAAD LA WADAAGTID ASXAABTAADA.
@SICIID FARALAAB.
DRSAED11@GMAIL.COM

Leave a Reply