maxaad ka  ogtahay faa’idooyinka caafimaad ee soonka bisha ramadaan?

maxaad ka ogtahay faa’idooyinka caafimaad ee soonka bisha ramadaan?

Bisha ramadaan waa bisha ugu barakaysan ee sanadka islaamka, taas oo ilaahay ku amray adoomihiisa ka fogaanshaha cunitaanka, cabitaanka, samaynta ficilada jinsiga iyo in kale taaso uu qofku ugu dhowaanayo ilaahay.

hadaba hadaynu usoo laabano cinwaankayaga maanta ee faa’idooyinka soonka, waqti dhow ayay ogaadeen saynisyahanadu kasoonka cuntada iyo cabitaanka sida uu ula xiriiro caafimaadka jirka iyo kan maskaxda ee qofka.

hadaba waqtiga qofku soomanyahay jirkiisu wuxuu isticmaalaa carbohydrate-ka lagu kaydiyay beerka iyo murqaha sidoo kalena baruurta jirkuna waxay siisaa awood/tamar, intaa marka laga yimaado jirka biniadamku ma kaydsan karo biyo taa bedelkeedna labada kelyood waxay yarayaan kaadida ay saarayaan si loo kaydiyo biyaha jirka waqtiga soonka.
iyada oo ay ku xirantahay cimilada  iyo saacadaha qofku soomayo waxaa qofka ku dhici kara qalayl (dehaydration) kaas oo sababa madax xanuun khafiif ah iyo daal inkastoo ay cilmibaarisyo kala duwan tilmaameen in aanay taasi wax dhib ah u keenin jirka biniadamka.
marka la gaaro waqtiga afurka jirka qofku wuxuu soo ceshadaa wixii dhecaan iyo tamar ee maalinkii ka lumay. biyo badan oo la cabo iyo cunida khudaarta ayaa jirka ka caawisa soo celinta nafaqada

buuga la yiraahdo “Eat Stop Eat” oo uu qoray Brad Pilon 2007-dii wuxuu ku sheegay in joojinta cuntada 2 maalin asbuuciiba ay tahay mid u wanaagsan caafimaadka jirka sida yaraynta kanserka iyo wanaajinta waqtiyada hurdada
cilmi baarisyo kala duwan oo ay qoreen khuburo waxay isku raaceen ka soonka cuntadu inuu yareeyo xadiga cholestroolka ama dufanka sa’idka ah kaas oo keena xanuunada wadnaha iyo cayilka/buurnaanta sa’idka ah, sidoo kale waxay sheegeen khuburadaasi in waqtiga soonka hab-dhiska qashin saarka jirku si wanaagsan u shaqeeyo .
sidoo kale soonku wuxuu kor uqaadaa caafimaadka maskaxda iyo ladnaanta guud ahaan tusaale waqtiga soonka unugyada maskaxda biniadamku waxay sii daysaa maadada la yiraahdo  BDNF (brain-derived neurotrophic factor) taas oo yareeysa walwalka, isku-buuqa, murugada, iyo caajiska.

W/Q:Abdirahman jama

Leave a Reply