Jooji walwalka

Jooji walwalka

                                                           

Ciiddu hadba qaab ayay uga falcelisa isbadalka cimileed ee so wajjaha ,iyado xaaladba si goonni ah ula falgasha.
xilliyada roobka cirku godlanyahy ay dhibicda weheshato(roob ku da’o) waxaad arki kadhaa iyadoo muuq ahaan iyo qaab ahaanba isbadashy iskuna ururty udiga rogatay wxynu u naqaan dhoobo,
si lamida waxay sii wadda inay isula rogto hadba jaadka cimileeed ay wajahayso iyado marka ay qurraxdu faalareheeda kuso ganto aynu aragno iyadoo adkaatay,
marka muddo dheer qurrax iyo dabaylaba isugu biiraan waxay mar dambe inta ay lakablakab ufurfuranto ka duusha dhulka debeeshuna hadba dhinacay rabto ujihaysaa.

Shay walbaa waxa dabeecada ,astaanta,falcelinta iyo guud ahaan isbadalka ku yimaada kla mid noqdaa shayga uu markaa ka yimi ama samyskiisu kasoo aloosmay.
Bani aadamka waxa laga unkay ciidda, iyadoon ognahy kala duwanaashaha xaga midabka ee bani aadamku ay qayb ka yihiin kala duwanashaha midabeed ay ciidu leedahy bay haddana si lamida qaabka ay uga falceliso ciiddu isbadalka cimileed ee so wajjahaa ayuu bani aadamkuna uga falceliyya isbadalka cimileed ee waayaha.
Si lamida ciiddaas Nolosha aynu ku saugannahy wa nolol qaybo kala duwan leh wa nolol gadadoonka waayaha hadba dhinac isula rogta saamaynna ku yeelata
Qofku aalaaba wuxu wajjahaa gadgadoonkaa isagoo hadba dareenkiisu qaab uga falceliyyo
Waayahasi waxay siisa maalmo uu dareen farxad leh kaga falceliyyo sidoo kale maalmo uu dareen murugu leh kaga fal celiyyo iyadoo hadba xaddigooda ay ku xirantahy saamaynta ay qof ahaan ku reebtay isbadalka cimileed ee noloshu
Intaaso iyo qaarkaleba qofka way la darsaan lkn Wawalku si guud wa qybta ugu saamaynta badan nolosha bani aadamka.
Wuxuu ka walwalaaa wlaacna ka qaada xaaladaan cusub uu gudaha ugu jiro ama mid lasoo darsi kadha isagoo door bida mid uu xassilooni iyo daganaashaba ka helayyo

Walaacu wuxuu noqon karaa labo(2) mid, walwal aad ka qabto xaalad ay nafsaddadu ku sugantahy isla wakhtigaas ama cabsi aad ka qabto wxa ka dhalan kara dhib ay noloshaadu wajihi dooonto.

walwal aad ka qabto xaalad ay nafsaddadu ku sugantahy isla wakhtigaas

Haddaba tan hore wxaynu so qaadan doonaa dhowr qodob kga hadlynu qaabkd uyarayn lahyd walwalka walaaca maskaxeed aay nafsaddaadu gashay
1- inaad ku qanacdo ood sabirto:
wa inad garataa mushkiladdan inay ka time dhanka eebbe lguuna gartay inaad aqbasha ay muhim tahay, maanka ku hay inad ka mid tahay kuwii uu alle yiri “umadda xaggoda khasaare ayaa ahaaday* kuwa alle rumeeyay camal wngsnna layimi xaqqa iyo sabirkana isku dardaarma mooyaaane”
wax walba qadar iyo male alle ayy ku dhacaan u layli naftaada inad qadarta alle uhogaansatto taasi haday jidho wax badan ma walwali doontid.
2-xuska alle iyo inaad noqoto qof fulliya awaamirtiisa kuna xiran xilli walba:
Eebbe wayne ayaa ina yiri “umaddi raacda waddada toosan wax cabsi iyo murugo ahi dushoodo may ahaan doonto”
Inaad ku xirnaata alle ooffisa inta uu ku amray kana bari noqoto inta uu ka reebay wa furaha ugu wayn ee qofka uu ku dareemi karo daganaasho aan walwal ku lamaanayn
Si gaara Shanta wakhti sallaadda ood tukato xilli walba ,xilliyada aad murugaysantahy si gaar ah wxy kusiin doonta daganaasho iyo wawal yariba
3- malee wax wanaagsan:
filo wax wanagsan iyo inaad ka bixi doontid mushkiladdan walwalka kugu haysa suubane nabigeeni muxammed(NNKH) ayaa ina yiri “fisha wax wanaagsan waad helaysiine” maLahaagu mid togan ha noqdo
Maankana ku hay si lamida isbadalka cimileed ee sabata in ciiddu ay maalinba qaab u muuqatto inaad adiguna isbadlaka cimileed ee waayahu aad barri ka dhaxli doontid wanaag frxd iyo khayr .

wawalka aad ka qabto wax ka dhalan kara shay markaa aanad tallabadiisa aanad qaadin :

qaybtan way ka duwan tahay qaybta hore waana mid aad uga saamayn badan badan tan hore walwalkani wuxuu kaa hor istaagi karaa guulo aad muddo ku hammiyaysay gadaal ayuu ku riixi wuxuuna ku horseedi inaad noqoto fadhiid
Waxa jira sdex waddo aad ku xakamayn kadho wawalka aad ka qabto wax ka dhalan kara shay mrkaa aanad tallabadiisa aanad qaadin :
1-is waydii waxa aad ka wawalyso inay yimadaan kadib markad falkaa ku tallaabsatid .
Tusaale: arday ayd tahay barri subaxii wxd galaysaa imtixaan horay loosi qorsheyay imtixaankaas in kugu filan ma aanad diyaarsan wxd ka walwalysaa mrkd u fariisatto kadib inaad ku dhacdo maaddadaas
Wxd is waydiisay maxaa horta wawalka kugu dhaliyay wxd ogaaty “inaan maadada ku dhco aya dhib iikeeeni kadha wawalna ka qabaa”
Si guud qodobkeena 1aad waad heshay.
2-naftaada usheeg una ogolow si maskaxiyyan ah iny u aaminto inay dhici karaan wxd ka walwalayso.
Qodobka 2aad wuxuu ku sheegi inaad naftaada ka dhaadhiciso inay macquul tahay wxd ka wawalyso inay imaan karaan
Hddi aynu tussalaynteeni ku xiriirinno qodobkan wa inaad ogaal uyeelatta inad dhici kadho imtixaanka ay qaybna ka tahy waxyaalaha kugu dhici kara ee isbadalka cimileed ee wakhtiga qaybta ka ah
Wax wlbo aynu qaban doonna wxa kaso baxa wax qorshe aynu ku leenahy ma ahan,waa qayb uu alle hogaankeeda hayyo u ogolow alle inu siduu rabo uqaabeeyo una qorsheeyo.
Inaad aqbasho waxa imaan kara waxay qayb ka qaadan inaadan wax badan walwalin adoo daganna aad uga hortagto waxa keenayya wawalka
3- inaad hawsheeda gasho saad ubaajin lahyd waxa keenayya cabsida iyo wawalka wada socda aad ka qabto inaad hawshaa ku dhaqaaqdo.
Hadaynu qodobkan tusaalayntaydii aynu ku lifaaqno waxaad garaty inaad dhacdo imtixaanka iny tahy waxa walwalka kugu hayya deedna waxad aqbashy inaad dhici kadho imtixaanka, maskaxdaada goortan wawal badan ma dareemyso waxad xilligan awood uleedahay adoo dagan wawalna aan dareemayn inaad bilowdo akhriska casharradaad imtixaanka ku gali lahayd ado kaga gaashamanayya inaad ku dhcdo imtixaankaas

Haddaba inaad garnayso shayga aad ka wawalyso deedna aqbasho inad la kulmi kadho shayga keenayya wawalkaas una tixgalinayya inay qadar tahay waxay ku siinysaa maskax dagan aan walwal dareemayn deedna waxad si dagan uga fakarysaaa saad u baajin lahyd wxa kuu horseedayya walaaca,naftaadana cafimaad ahaan khatarta galin kara .

FG: tusaalynta ardaygu wa tusaale un aan sida ugu fudud kugu fahansiinayyo qodobbada aan sheegay caqabad kastoo naftaadu ku dareemi kadho walwal ayaad ku dhaqan galin kadhaa 3dexdan qodob

GUNAANAD: eebbe ha ina waafajjiyo guusha aduun iyo aakhiraba adiga akhristaha ah iyo anigaba

W/Q: Eng mohamed abdalla
Xanafi47@gmail.com

This Post Has 2 Comments

  1. Can you tell me what platform are you using on this website?

  2. Could you tell me what style are you using on your internet site?
    It looks nice.

Leave a Reply