DHIIG YARI (ANEMIA)

DHIIG YARI (ANEMIA)

Qaybaha dhiig yarida (Types)

Inta la og yahay ilaa hada waxa jira in ka badan 400 oo nooc oo dhiig yari ah, waxana guud ahaan loo qaybigaa sadex jaad oo kala ah:
1-dhiig yari ay sababtay dhiig bax ku dhacay qofka
2-dhiig yari ay sababtay hoos u dhac ku yimadaa soo saarka unugyada dhiiga ee cas cas
3-dhiig yari ay sababtay burbur lixaad leh oo ku dhaca unugyada dhiiga cas cas.
Sadexdan jaad oo an kor kusoo xusnay qaybaha ugu muhiimsan oo hoos yimada waxa ka mid ah:
*sickle cell anemia
*vitamin deficiency anemia
*iron deficiency anemia
*blood-loss anemia
*Cooley’s anemia
*pernicious anemia.

Dadka u nugul (Risk factors)

Dhiig yaridu waxay ku dhici kartaa dhammaan dadka iyada oo aan loo tixgalinayn da’da iyo qowmiyada, sidoo kale lab iyo dhedig.
Si kastaba ha ahaatee waxaa jira dad u nugul ama halis ugu jira in ay xaaladan caafimad daro lasoo daristo waxana ka mid ah:
*Dhiiga caadada oo aad u bata
*Hooyada uurka leh iyo xiliga dhalmada
*Ilmaha sidka (9bilood ka hor) dhasha
*Ciyaalka da’doodu u dhaxayso 1–2 sano
*Cunto aan isu dheeli tirnayn oo ay ku yar yihiin vitaminka, macdanta,iyo ironta
*Dhiig bax ay sababtay qaliin ama dhaawac qofka soo gaadhay
*Qof Bukaan waqti badan ahaa ama qaba cudurada halista ah sida AIDska, macaanta, kelyo xanuunka, kansarka, wadne xanuunka ama beer xanuunka Iwm
*Qof leh taariikh Dhiig yari hide raac ah sida (sickle cell anemia)
*Qofka qaba jirooyinka ku dhaca xiid maha kuwaas oo sameeya ku darida nafaqooyinka ee dhiiga (absorption of nutrients).
Dawaynta dhiig yarida (Treatment of anemia)

Guud ahaan waxa jira nooco farabadan oo jiradan loo mareeyo.
Muhiimada kowaadna waa sidii loo badin lahaa tirada unugyada dhiiga cas cas. Taas oo dhinaca kale siyaadinaysa xadiga oxygen ee dhiigu awood u lee yahay inuu qaado.
Dawooyin waxay alaaba ku xidhan tahay jaadka iyo sababta dhiig yarida keentay:

1-Iron deficiency anemia : wuxuu bukanku qaadan (Iron supplements) oo laga helo xarumaha cafimadka ama cuntoyinka qaniga ku ah. Hadii xaaladu ku timi dhiig bax, waa in dhiiga la joojiya qofkana dhiig lagu shubaa.
2-Vitamin deficiency anemias : waa in bukanka la siyaa fitamino siiba VB-12.
3-Thalassemia : waa in bukanka la siyaa (folic acid
supplementation), laga saara (spleenka), mararka qaarna dhiiga iyo dhuuxa laga bedelaa.
4-Anemia of chronic disease : dhiig yaridan waxay la xidhiidha cuduro bukanka waqti badan so hayey, ma jirto hab khaas ah oo loo mareeyo, waa in diirada la saara cudurka sababta leh sidii meesha looga saaro
5-Aplastic anemia : waa in bukaanka dhiig lagu dhubaa dhuuxana laga bedelaa.
6-Sickle cell anemia : waa in bukaanka lagu dabiiba oxygen, xanun baa’biye, iyo falenboyin, sidoo kale antibiotics, folic acid
supplements, iyo dhiig ku shubid, sidoo kale dawoyinka Droxia ama Hydrea
7-Hemolytic anemias : bukaanka waa in laga ilaaliya dawooyinka uga sii dari kara, waa in la siiya dawoyinka loo yaqaan immunosuppressant drugs iyo in laga dabiibo infectionska.
Sidee dhiig yarida loogu maareeya cuntooyinka? (Diet therapy)

Hadii ay dhiig yarida sababtay nafaqo daro ama cunto xumo, waxa qofka aad u caawin kara inuu quuto cuntooyinka qaniga ku ah curiyaha loo yaqaan Ironta.
Waxan halkan kusoo qadanynaa cuntooyinkaas qabaha ugu muhiimsan waxana ka mid ah:

Cuuntoyinka lagu daray ironta sida rootiga (iron-fortified cereals and breads)
* Noocyada kala duwan ee khudaarta calameeha madow leh (dark-green leafy vegetables, for instance, curl
kale and watercress)
*faasuuliyada ama harakoga (pulses and beans)
* bariiska nooca (brown rice)
* hilibka (white and red meats)
* kaluunka (fish)
* ukunta ama beedka (eggs).
Outlook

Qofkasta oo inaka mid ah xaaladani waa lasoo dersi kartaa iyadoo aan ku xidhnayn da’da iyo qomiyada ama lab iyo dhedig wuxuu yahay, waxayna ku xidhan tahay waxa sababay dhiig yarida.
Kaysas badan oo la xidhiidha dhiig yarida waxa ay u tagaan si iskood ah iyada oo an qofku wax dawo ah qaadan, waxana sidoo kale looga hortagi karaa ama lagu maarayn karaa keliya in qofka qaato cunto isu dheeli tiran ama cunto qani ku ah curiyaha ironta.
Qaar ka mid ah jiradan waxay jiitami karaan waqti badan, sidoo kale qaarkood waxay noqon karaan halis sababta in qofku nolosha waayo oo uu u dhinto hadii aan laga daweeyn.
Qofkasta oo dareema dhiciifnimo ama awood yari joogta ah ama daal fara badan waxa lagama maar maan ah inuu booqdo xarumaha caafimaadka ee ugu dhow sida ugu dhakhsiyaha badan si looga baadho dhiig yari.

LAWADAAG ASXAABTADA.
@Siciid Faralaab
Wixii sixid talo iyo tusaale ah fadlan nooguso hagaaji ciwaankan hoose. Drsaed11@gmail.com

Leave a Reply