DHIIG KARKA (HYPERTENTION).

DHIIG KARKA (HYPERTENTION).

DHIIG KARKA (HYPERTENTION). BISMILLAAH. ¤HORDHAC Dhiig karku (Hypertension) waa magac loo yaqaan kolka uu kor u koco cadaadiska dhiigu. Waxa cudur halis ah oo hadii aan la daryeelin bukaanka qaba gelin kara halis ay ka mid yihiin wadne xanuun, dhiig maskaxda ku furma (stroke), iyo dhimasho. Cadaadiska dhiigu (Blood pressure) waa awooda kaxaysa dhiiga taas oo ka oo ay sababtay cadaadis ka yimaada derbiyada xididada dhiiga qaada (walls of the blood vessels). Cadaadiskani wuxuu ku xidhan yahay shaqada ay qabtaan wadnaha iyo kaabinta (resistance) xididada dhiiga. Dhiig karka iyo wadne xanuunku waa cuduro bulshada calaamka faro ba’an ku haya. Haayada caafimaadka aduunku (World Health Organization (WHO) waxay sheegtay in cuntooyinka wershedaysan ee milixdu ku badan tahay ay saamayn ku leedahay cudurkan sidoo kalena ay door muhiim ah ka ciyaarto dhiig karka. • cadaadiska dhiiga ee caadiga ah waa 120/80 mm of mercury (mmHg), lakiin dhiig karku wuxu ka sareeyaa 130/80 mmHg. • cadaadiska dhiiga ee si kadis ah sare ugu kaca waxa sababa walalka (stress), lakin wuxu sare ugu kici karaa iskii, ama xaalad kale oo sababtay sida kelyo xanuunka. • dhiig karka aan la maarayni wuxuu keeni karaa wadne xanuun, dhiig maskaxda ku furma ama dhibaatoyin kale oo badan. • qaab nololeedka qofku waa wax yaabaha ugu badan ee lagaga hortegi karo ama lagula tacaali karo dhiig karka iyadoo dawooyin aanu bukaanku qadaan. Waa maxay dhiig karku? (What is hypertension?) In si joogto ah uu qofku caafimaadkiisa u hubiyo ulana socdo waa tabta ugu muhiimsan ee qofku ku ogaan karo halka uu joogo ama marayo cadaadiska dhiigiisu. Dhiig karku (Hypertension) waa erey bixinta caafimaad (medical term) ee caadiska dhiiga ee sareeya.Taas oo la macne ah in dhiiga uu soo tuuro wadnaha ee ku qumqulaya halbowlayaasha dhiiga qaada in uu cadaadis kala kulmo derbiyada xididada qaada dhiiga (the walls of the blood vessels). Qiyaastii 85 million oo qof baa la ildaran cudurkan gudaha Maraykanka. Caafimaadku waxa uu ku qeexa dhiig karka kolka cadaadiska dhiigu ka sareeyo 130/80 millimeters of mercury (mmHg), sida ay tibaaxayaan ururka (American Heart Association (AHA) bishii Nofember 2017. Maxaa sababa dhiig karka? (Causes). Sababta dhiig karka weli sifiican looma oga. Qiyaastii 20 kiis oo dhiig karka ah ba mid ka mida wuxuu noqdaa saamayn ama sabab ay keentay xaalad kale oo caafimaad daro. Kelyo xanuunka waqtiga dheer (Chronic kidney disease (CKD) waa sababta ugu badan ee sababa in cadaadiska dhiigu sare u koco sabato ah waxa lumaya awoodii ay kelyuhu ku safayn lahaayeen biyaha iyo dheecanada taas oo sababta dhiig karka. Lasoco qaybta labaad. Lawadaag asxaabtaada. @Siciid Faralaab. Drsaed11@gmail.com.

Leave a Reply