5 faaido caafimaad ee laga helo xabxabka/qaraha

5 faaido caafimaad ee laga helo xabxabka/qaraha

xabxabku wuxuu ka koobanyahy 92% biyo iyo dhecaano taas oo siinaysa macaankiisa gaarka ah.
sidaan la isku raacsanyahay xabxabku waa mid kamida khudrada qaniga ku ah vitamin C, vitamin A iyo macdano kale oo jirka biniadamku u baahanyahay, hadaba halkaan hoose ka daalaco faa’idooyinka dheeraadka ah:

  1. dib usoo celinta nafaqada jirka: xaaladaha uu jirka qofku lumiyo dheecaano iyo nafaqo badan oo ay ka mid yihiin kuleelaha, soonka bisha ramadaan, jimicsiga dheeraadiga ah jirka qofku wuxuu u baahan yahay in dib l oogusoo celiyo intii uu lunshay taas oo ay jawaab u tahay cunista xabxabku
  2. wuxuu ka koobanyahay macdano muhiim ah: hal koob oo xabxab (154 grams) ah wuxuu ka koobanyahy macadanahaan iyo nafaqooyinkaan hoos ku xusan
    • Vitamin C: 21% qiyaasta nafaqo ee maalinlaha (Reference Daily Intake)
    • Vitamin A: 18% of the RDI
    • Potassium: 5% of the RDI
    • Magnesium: 4% of the RDI
    • Vitamins B1, B5 and B6: 3% of the RDI
  3. ka hortaga kanserka: cilmi baarayaashu waxay sheegeen in maadada la yiraahdo (lycopene ) ee ku jirta xabxabka ay ka hortagto noocayada kanserka sida kan caloosha iyo burooyinka dhakhsaha u kora
  4. kor u qaadida caafimaadka wadnaha iyo murqaha: sidaan kor kusoo sheegnay xaaladaha gaarka ah sida soonka iyo jimicsiga ee jirka qofku u baahanyahay soo kabsasho dhakhso ah, hadaba maadada la yiraahdo (Citrulline) waxay u fiicantahay murqaha daalan iyoo wadnaha biniadamku uu ka samaysanyahay muruq
  5. wuxuu u wanaagsanyahay habdhiska dheebshiidka qofka: sidaan kor ku xusnay xabxabka badankii waa dheecaano iyo biyo taas oo ah mid kamida sifooyinka cuntooyinka u wanaagsan dheebshiidka qofka iyo in horay loo burburiyo cuntadii dhakhsona ugu baahdo jirka intiisa kale.

W/Q:Abdirahman jama

Leave a Reply